CABAYS.COM
Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Culus Oo Dhex-maray Ciidammada Qaranka Somaliland Iyo Kuwa Maamulka Puntland
May 14, 2018 - Written by Cabays

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in saaka qeybo ka mid ah gobolkaas uu dagaal ku dhex-maray Ciidammada Somaliland iyo kuwa maamul gobolleedka Puntland.

Dagaalka ayaa ka dhacay Buurta laba Magacley ee dusha ka xigta Tukaraq

Goob-joogayaal ku sugan meel aan ka fogeyn goobta uu dagaalka ka dhacay ayaa waxa ay soo sheegayaan in haatan xaaladu ay tahay mid degan.

Inkasta oo aan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee dagaalkan ayaa waxa ay sheegayaan warar xog-ogaal ah oo ay heshay shabakadda Barigaafrikanews.com in ay dhaawacmeen 4 askari iyo dhimashada hal askari oo ciidamadda maamul Puntland.

 

COMMENTS