CABAYS.COM
Khasaare Dhimasho Oo Ka Dhashey Roobab Xooggan Oo Xalay Ka Da’ay Magaalada Berbera
May 19, 2018 - Written by Cabays

-Roobab dabaylo wata oo ka dhashay duufaankii ku dhuftay xeebaha Badda Cas, ayaa xalay saqdii dhexe ku dhuftay magaalada Berbera.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil ee Berbera xarunta u tahay, Axmed Cismaan Xasan, ayaa BBC-da u sheegay in hal qof ku dhintay guri ku dumay, isla markaana ay ka daadgureeyeen guryahoodii 950 qof oo haatan ku sugan dugisyada xaafadaha Berbera.

Roobab laxaad leh oo daadad ku soo rogay dooxyada ayaa jiidahaasi ka da’aya, waxaana hadda go’an wadada isku xidha Berbera iyo Bullaxaar.

Khasaare kale lama soo sheegin ilaa hadda. Madaxa qaybta saadaasha hawada ee wasaaradda beeraha Somaliland Cabdiqani Yuusuf Cabdi oo uu Axmed Siciid Cige la hadlay ayaa sheegay in roobabkan dabaylaha wataa ay maanta gelinka danbe ku wajahanyihiin deegaanada xeebta ee lughaya ilaa Saylac.

Xigasho: BBC Somali

COMMENTS