CABAYS.COM
Kumuu ahaa marxuun Xaaji Cabdi waraabe -Wariye Axmed Siciid Cige oo ka hadlay
May 11, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media ( Hargeysa- JSL) –  Allah u naxariistee Xaaji Cabdikariim Xuseen Yusuf oo ku magac dheeraa Xaaji Cabdi Waraabe ayaa jimcihi shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee caasiadma JSL.

Haddaba wariye Axmed Siciid Cige ayaa taariikhda marxuunka iyo qisooyinkii ugu waa weynaa noloshii Marxuuka ka warmay.

Halkan hoose ka akhriso taariikhada marxuunka.Xaajii

Markii loo dabaaldegayey sanadguuradii 60aad ee ka soo wareegtay mudadii ay carshiga boqortooyada Britain ku fadhiday boqoradda dalkaasi Quen Elizabeth ayaa waxaa ila soo xidhiidhay Mary Harper oo ah tafatiraha Afrika ee BBC world service si ay iigala tashato diyaarinta barnaamij ku saabsan qof u soo joogay caleemo saarkii boqoradda ee 1953 haddii Somaliland laga helaayo . waxaa shardi ahaa in qofkaasi shaqadii uu hayay xilligaasi fog ee lixdanka sano ka soo wareegtay uu imikana hayo .

Mary Harper waxaan isla garanay in qofkaasi Somaliland uu noqon karo Xaaji Cabdi waraabe oo xilligaasi ahaa Caaqil haddana waa may 2012 uu hayo xilkii caaqilnimada iyo xubin golaha guurtida somaliland . Xaaji Cabdi waraabe wuxuu ka mid noqday lix qof oo caalamka oo dhan dalalkii barwaaqa-sooranka ee boqoradu xukumi jirtay oo somaliland ku jirtay laga soo xulay in taariikhdooda iyo xuskii caleemo saarkii boqoradda wax laga weydiiyo oo BBC barnaamij taxane ahaa ka diyaarisay 26may ilaa 1june 2012 . markaasi ayaan Xaaji Cabdi waraabe ka qaaday wareysi uu kaga hadlay taariikhdiisa oo faah-faahsan , waxaana aan ka diyaariyay warbixintan ilaahay ha u naxariistee :

“ Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf {xaaji Cabdi Waraabe } wuxuu ii sheegay inuu ku dhashay taariikh aanu sheegin deegaanka hadda uu ku yaallo garoonka diyaaradaha ee Hargeysa oo miyi ahaa . wuxuu da’diisa ku sheegay oo ay noqoneysaa hadda 121 sano jir . Xaaji Cabdi waraabe wuxuu ku soo barbaaray yaraantiisa miyiga isagoo geel jire ahaa . wuxuu ii sheegay in naanaysta Cabdi Waraabe ka raacday kadib markii geeloodii oo laga dhacay uu ka hadhi waayay isagoo yar oo kuray ahaa oo uu soo dhiciyay geelii isagoo qori sitay , kadibna raggii ka dhacayey geela ay ku yidhaahdeen waar kani waa Waraabe, kadib markii aan nin ka dilay ayuu yidhi mid kalena ka dhaawacay .
Xaaji Cabdi-Waraabe wuxuu sheegay inuu caaqilnimada beeshiisa uu qabtay bishii u horreysay ee sanadkii 1940 isagoo buu yidhi walaalkay iiga horreeyay caaqilnimada oo aan ka dhaxlay. Intaa waxa uu ku daray in caaqilnimada ay ku khasbeen odayaashii reerku anigoo da’deydu yartahay iyagoo ii arkay nin nabad talis ah oo qaban kara jagaasi inkastoo buu yidhi rag iga waaweyni jireen reerka .
Wuxuu sheegay xaajigu in madaxnimada loo tashan jiray oo aanay ahayn sidan imika . Xaaji Cabdi Waraabe wuxuu iiga sheekeeyay raadraaca beeshiisu ku dooratay ee ay u tixgeliyeen xilkaasi caaqilnimada in loo doorto isagoo yar . Wuxuu sheegay in shir la qabtay oo rag la raaciyay isaga inta qori la siiyay oo lagu yidhi “ orodoo soo dil ninkii aabahaa dilay oo reer kale ahaa “ Waxaan u tagnay buu yidhi xaajigu ninkii gurigiisii , wuxuu nagu yidhi maxaa dooneysaan ? Waxaan ku nidhi geel cararay ayaan dooneynaa ..ninkii wuxuu nagu yidhi buu yidhi caawa fadhiista oo aan idin marti geliyo berito ayaydin beesha dhex mari’e .

Wuxuu sheegay Xaaji Cabdi Waraabe in ninkii aabahay dilay ee aan u socday in aan dilo uu wan noo qalay oo googol noo dhigay hargo iyo saamo ka samaysan ..roob ayaa yimid kadibna aqalkiisii ayaannu ka galnay oo xaaskiisii iyo gabadh yar oo ay ku curteen markaasi haysta, qoryaha xabbadii ayaa dhuunta noogu jirta ayuu yidhi Xaaji Cabdi Waraabe aanu rabnay in aanu ku dilno ninka na marti sooray.

Image result for xaaji cabdi waraabe

 

Daroorintii roobka wuxuu madaxa iga saaray ayuu yidhi masallihiisii ninkaasi ..markii roobkii qaaday ayuu ninkii xoolihii u sii daayay si ay xareedda roobka uga cabbaan ..ragii ila socday ayaa igu yidhi buu yidhi Xaajigu ina keen imika ayuu daganyahee aad ku dhufatid o uga cararnee.

Xaaji Cabdi Waraabe wuxuu sheegay inuu ugu jawaabay raggii isaga la socday “ waar mi ninka daroorin ii quudhi waayay ayaan xabad u quudhaa “…halkaasi ayaa uu Xaaji Cabdi Waraabe magac iyo sharaf ku helay oo deegaankii oo dhami isu sheegay ..waxaana dhacday in gabadhii yareyd ee uu ku curtay ninka uu rabay inuu diloo Xaajiga la siiyay oo uu sugayay ilaa ay ka qaan gaadheysay oo uu guursaday oo caruur badan oo hana qaaday ay u dhashay Xaaji Cabdi Waraabe .
Xaaji Cabdi Waraabe wuxuu sheegay inuu xusuusto xafladii loogu dhigay boqoradda dalka Britain quen Elizabeth 1953 gurigii dowlada State House ee Hargeysa.

Xaaji Cabdi Waraabe wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Golaha Guurtida Jamhuuriyaa Somaliland isagoo shirweynayaashii nabadeynta beelaha iyo dhisidda dawladnimada Somaliland qayb weyn ka soo qaatay .
Marxuun Cabdi Waraabe wuxuu sheegay inuu la soo shaqeeyay madaxdii soo martay dalalka Somaliya iyo Somalinad-ba sida: Adan Cadde , Cabdirashiid Cali sharma’arke , Maxamed Siyaad Barre , Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal , Daahir Rayaale Kaahin , Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo , iyo Muuse Biixi Cabdi.
Xaaji Cabdi Waraabe in badan ayaan wareystay oo kulanay waxaan ka bartay wax badan xagga dhaqanka iyo taariikhda siiba Soomaalida. wuxuu ii sheegay inaanu isagu weligii ku talin in la dagaallamo oo uu madaxdii Soomaalida oo dhan saaxiib la ahaa,, laakiinse buu yidhi markii diyaarado iyo madaafiic lagu duqeeyay magalaada Hargeysa ee uu deganaa 1988 oo dadkii ay laayeen ciidankii dowladii Soomaaliya ee difaacooda loo qoray uu markaasi go’aasaday in uu dagalkii SNM la safto oo uu difaaco naftiisa , dadkiisa iyo dalkiisa.
Marxuun Xaaji Cabdi Waraabe maalin annagoo joogna xarunta Golaha Guurtida ayuu igu yidhi “awow ninkaagan BBC-da dad badan oo kaa cabanaya ma arag wararkaaga ee maxaa sababay ?..maad qolyahan jaraa’idka ee wax walba qoraya la hadashid ? Waxaan ugu jawaabay Xaaji Cabdiyow anigu magaalada Burco ayaan ku dhashay oo ku barbaaray oo aabahay ganacsade caan ahaa ayuu ka ahaa oo odayaasha oo dhan ayaa dukaankayaga iman jiray oo aan dhegeysan jiray Odayaashaasi deegaan kasta way ka iman jireen min Hadaaftimo , Laascaanood ilaa Boorama ilaa Hargeysa , ilaa Buuhoodle oo wax naga iibasan jiray,  markii danbena Xamar ayaan wax ku soo bartay oo shaqadii ka soo qabtay …sidaa darteed dadkii iyo deegaanadii oo dhan ayaan garanayaa oo waxbaa ixidhaya dhaqan ah , laakiinse wiil yar oo aan Hargeysa ama Borama dhafini wax walba wuu jiidhayaa oo waqtiga iska wata duruufihiisa ayaan ku idhi Marxuun Xaaji Cabdi Waraabe .

Xigasho Wariye Axmed Siciid  Cige Ahmed Cige

COMMENTS