CABAYS.COM
Labaatan ku dhimatay xabsi ku yaalla Brazil
April 11, 2018 - Written by Cabays

Tiro maxaabiis ah ayaa dhimatay ka dib markii ay maxaabiis badan isku dayeen in ay baxsadaan magaalada Belem ee dalka Brazil.

Waxaa gacan siiyay koox hubaysan oo xabsiga darbigiisa qaraxyo ku weeraray.

Mid ka mid ah ciidammada asluubta ee maxaabiista ilaaliya iyo 19 ruux oo kale oo isugu jira maxaabiistii iyo kuwii korka ka caawinayay ayaa geeriyooday.

Weerarka ka dhacay xabsiga Santa Izabel ee ku yaalla bannaanka caasimadda gobolka Para ayaa aad u adkaa, sida ay masuuliyiinta ammaanku ku sheegeen war qoraal ah oo ay soo saareen.

Afar askari oo ciidammada asluubta ka mid ah ayaa weerarkaas ku dhaawacmay, mid ka mid ah ayayna xaaladdiisu aad u liidataa.

 

Masuuliyiinta dawladda ayaa wada isku day ay ku ogaanayaan in ay jiraan maxaabiis ay u suuragashay in ay baxsadaan.

Sannadkii hore 56 ruux ayaa dhimatay isku dhac ka qarxay xabsi ku yaala magaalada Manaus ee dalka Brazil.

COMMENTS