CABAYS.COM
Loolanka Iyo hirdanka loogu Jiro buuxinta jagada uu baneeyey Jawaari + Musharaxiinta ugu cadcad
April 10, 2018 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media (Muqdisho -Soomaaliya) –  Ololaha loogu jiro doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya  ayaa ka bilowday magaalada Muqdisho, saacado kadib markii Guddoomiye Jawaari uu xaqiijiyey iska casilaadiisa, waxaana kulamo looga arinsanayo xilkaas banaan xalay ka socday hutelada ku yaal magaalada Muqdisho.
Inkastoo aanay weli jirin Musharax ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, hadana hadal heynta suuqa ku jirta ayaa ah in dhowr Musharax ay damac kaga jiraan xilkaas.
Kulamo tan iyo xalay socday ayaa waxaa uu weji cusub u yeelay hardanka loo geli doono xilka banaan ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la doonayo in 15 maalmood gudahood lagu soo doorto.
Xildhibaanadii taageersanaa Guddoomiye Jawaari iyo kuwa ka soo horjeeda ayaa si isku mid ah u bilaabay ololaha, waxaana la sheegayaa in dhinacii ku mideysnaa Mooshinka Jawaari ay hada dhowr koox u qeybsameen, markii ay soo if baxeen Musharaxiin dhowr ah oo ay kala wataan.
Musharaxiinta illaa iyo hada la hadal haayo ayaa waxaa ka mid ah Maxamuud Macalin Yaxye, Ibraahim Isaaq Yarow oo ah Wasiir kuxigeen, Maxamed Mursal Sheekh Ibraahim oo ah Wasiirka Gaashaandhigga iyo xubno kale.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Musharaxiinta qaar ay gadaal ka riixayaan dhinacyo kala duwan, gaar ahaan Madaxtooyada ayaa wadata dhowr musharax.

Jawaari

Gudoomiye Jawaari oo xilka ku doorsaday ambobax weyn

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo door ku lahaa abaabulka mooshinkii Jawaari ayaa la aaminsan yahay inuu isna wato musharax gaar ah, waxaana dad badan qiyaasayaan in Shariifka uu ciyaarayo doorar siyaasadeed oo aan la fahmi karin.
Loolanka ugu badan ayaa noqon doona mid ka dhex bilowda dhinacyada ololaha ugu jira xilka banaan ee Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana maalmaha soo socda bilaaban doona kulamo taxane ah iyo xod-xodasho siyaasadeed oo Musharax walba u geli doono sidii uu u hanan lahaa xilka.

La soco wixii ka soo kordha wararka Xamar

COMMENTS