CABAYS.COM
Loolanka U Dhexeeya Wasiir Saajin Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Meel Adag Maraya
September 8, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo ah masuulka loolanka adag ku dhex-marayo  Jagada Guddoomiye ku xigeenka Afaraad ee Xisbiga KULMIYE  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Saylici), ayaa la sheegay in loo ogolaaday inuu tartamo, iyaddo dareenno ku xeeran yihiin sifaha uu shuruudaha u buuxiyay.

Wasiir Saajin ayaa tibaaxyhu sheegayaan in aanu shuruudaha buuxin dhinaca muddada uu ku jiray Xisbiga KULMIYE,  balse waxa la sheegay in loo helay xal laga shaqeeyey oo u saamaxaya inuu shirweynaha ka qayb-galo, kaas oo ah inuu Xisbiga muddo ku jiray kana mid ahaa Xubnihii qaadhaanka bixin jiray illaa 2014-ka.

 

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Beeraha Axmed Muumin Seed oo ka mid ahaa xubnaha u tartamaya Jagada Guddoomiye Kuxigeenka Afraad ayaa laga reebay tartankaasi, ka dib markii sida la sheegay uu buuxin waayay shuruudihii looga baahnaa, taas oo aybygu weynayd wakhtiga uu Xisbiga ku jiray.

 

 

 

Cabays news.com

COMMENTS