CABAYS.COM
Ma is weydiisay sababta ay u xiisaynayaan amaba ugu soo qulqulayaan Wafdiyada Reer Yurub dalka Somaliland?
April 3, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media ( London -UK) –  Wufuudan ka kala socda wadamada UK, Denmark, Sweden, Finland, Switzerland, Norway iyo wafdiga EU ama wafdiyo kale oo ka iman doona Maraykan iyo wadamo kale ee ku soo qulqulaya Somaliland ma is weydiisay sababta ay u xiisaynayaan Somaliland amaba ugu soo qulqulayaan?

Sida dabeecadda ama dhaqanka u ah waddammada reer Galbeedka, waxa ay aad u xiiseeyaan in ay la macaamilaan waddammada dunida saddexaad ee ku tallaabsada Dimuqraaddiyadda iyo kuwa dhaqaala ahaan ay wada jaan qaadi karaan ( sida China, Poland iwm ) amma si kale aan u dhigee…..waddammada kale ee doorashooyin cod iyo qof ah ku dhaqma sida Somaliland ay muddaba ku soo dhaqmeysey.

EU Del EU Dell SL EU EU DELLL

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Uma jeedo in ay doorashooyinkii Somaliland u dheceen 100% si caddaalad, uma dhici karaan oo haddii qalloocyo hadheeyeen doorashooyinkii dhacay waxa sabab u ahaa duruufo aqoon darri, dhaqaale xumo, farsamo xumo iyo mid qabyaaladeed.

Balse haddana indhaha waddammada horumaray waxa ay ku qanacsan yihiin in dalkaa yari doorshooyin qabsaday, sidaasi daraaddeedna ay u doonayaan sidii ay uga taakulayn lahaayeen in doorashooyinka aan carqalad la gelin, dhib kasta oo hor timaaddana ay diyaar u yihiin in ay ka taakuleeyaan. Waxa kale oo ay rajo ka qabaan in duruufaha ad adag ee horyaalla ama caddaalad xumada ku keenaysa ay ka bixi doonaan, oo shacabku baran doono ujeeddada ay wax u dooranayaan iyo in ay doorashooyinka oo caddaalad u dhacaa ay dalkooda iyo caddaaladdaba wax weyn ka tari karto.

Sidaasi awgeed ayey wufuuddani ka socota waddammadaasi u xiisaynayaan Somaliland. Dalal badan oo Afrikaan ahna uga door bidayaan. Somaliland shacabkeeda iyo maamulka xukuumaddeeduna waa in ay taasi fahmaan, kuna dadaalaan sidii ay u yarayn lahaayeen, musuq maasuqa, laaluushka, nin jeclaysiga, caddaalad xumada iyo in maamulka loo igmado mas’uuliyiin aqoon iyo waaya aragnimo u leh dawladnimada, isla markaana la sheekaysan kara fahmi kara, shaqadooda iyo wax qabadkooda fahamsiin kara Wufuuddan.

Tusaale ahaan markii ay waddammada reer galbeedku billaabeen in ay la macaamilaan waddammada bariga fog sida, Singapore, Thailand, India, Taiwan, Malesiya, Indonisiya iyo kuwo kale, waxa ay waddammadaasi oo sideenna soo korayey khasab ku noqotay inay qaataan nidaamka Dimuqraaddiyadda, oo ay sameeystaan maamul xul ah sida ; Wasiirrada, Agaasimayaasha, Maareerayaasha iyo Badhasaabyadaba oo lagu soo xulo aqoontooda, xirfaddooda iyo waaya aragnimadooda. Laakiin aan lagu soo xulin qabiil, gobol ama degmo. Raggii iyo dumarkii maamulka u qabtay ayaana soo dedejiyey in ay maanta noqdaan waddammada ugu horreeya dunida.

Haddaba akhristow ogow in aanay maanta Somaliland joogin kaalin la fududaysan karo, la dafiri karo waxa ay qabsadeed. Inkasta oo dhinaca kale ay jirto caddaalad darro badan, dulmi badan iyo maamul xumo ragaadisay horu socodkii iyo hiigsigii ummadda. Taasina waxa lagaga bixi karaa, in mar walba la wada hadlo, doodaha la badiyo, la is dhageysto oo la tixgeliyo tabashooyinka. Nidaamka dawladnimo ee Somalilandna laga leexiyo in qabiil loo nisbeeyo.

Ugu danbayn, guusha iyo guul darradu waxa ay gacanta ugu jirtaa kolba ciddii tada loo doorto. Maantana waxa ay talada Somaliland hortaallaa Madaxweyne Bihi, M/xigeen Zaylici iyo golaha baarlamka ee wakhtigiisii dhammaaday hawshiisiina ay gaabiska tahay.

Warku waa sidaa

Axmedweli Sheekh Cumar Good

London -UK

COMMENTS