CABAYS.COM
Ma ogtahay in xeebta Djibouti u kiraysnayd in kaban 90 sano Itoobiya
February 19, 2024 - Written by Cabays

Cabays Media – Ma ogtahay in Djibouti ahayd dal ay Itoobiya kiraysatay (leased) xeebtiisa sanadkii 1894kii oo ay ka kiraysay dawladii Faransiiska. Itoobiya waxa xukumayey boqorkii Emperor Menelik kii 2aad.
Djibouti iyadoo Itoobiya u kiraysan ayey sanadkii 1977 kii xornimo heshay, mudo 83 sanadood oo Itoobiya isticmaalaysay xeebteeda ayey haddana 16 sano oo heshiiskii Faransiiska iyo Itoobiya sii shaqaynayey.


Markii ay madaxbanaanida heshay Djibouti 27 June sanadkii 1977, waxa madaxweyne noqday Allah ha u naxariistee Xasan Guuleed Abtidoon. Kama hor iman heshiiskii waxaanu sii waday ilaalinta heshiiskaa. 16kii sano markii ay dhamaadeen mudo 21 sano oo uu ka talinayey ilaa 1977-1998kii, Itoobiya badda Djibouti waxa ay u isticmaalaysay sidii 1894kii Faransiiska, waxaaba u dheerayd in Faransiisku ka dhaxaysiiyo yeelashada dhismaha Wadda Xadiidka ee uu maro tareenka Djibouti iyo Itoobiya oo ku kala xidhan Dirdhaba iyo Addis Ababa.

Waddadan Xadiidka Tareenka Djibouti iyo Itoobiya, waxa dib u casriyeey dalka Shiinaha oo galiyey malaayiin doolar oo qaan qoorta u galiyey Djibouti iyo Itoobiya. Sanadkii 2017kii ayaa si rasmi ah khadka casriga ah oo masaafad ka badan kun Km socda ayaa u qaybsama laba, mid xamuul qaada iyo mid dadka qaada oo hore Soomaalida Diridhaba iyo Djibouti u kala taqaanay Casarjoog iyo Lotree.

Xidhiidhka Djibouti ee Itoobiya isticmaasho xeebta Djibouti ayaa ah mid xudin u yahay khadka tareenku. Waana ta Itoobiya siisay xeebta Djibouti in ay ahaato ta kali ah ee ay sida weyn u isticmaasho.

Wadadaa Xadiiska ee tareenku maro oo ah masaafad
756km oo uu dhulhaan badi maro dalka Itoobiya, dhismihiisa la bilaabay sanadkii 1886kii qorshe ahaan, waxana si rasmi ah loo dhisay sanadkii 1897kii, waxaanu dhamaaday sanadkii 1917kii. Wadda lahaanshaha Wadada Xadiidka tareenka Djouti ilaa Itoobiya waxa isku sii xidhay labada dal. Dhibouti marna kama cabsoon in Itoobiya qabsato, waliba iyadoo weyday dekedihii ay hore u isticmaali jirtay ee Ereteriya sanadkii 1993kii, inkastoo mudo ka badan 25 sano oo hore aanay isticmaalin maadaama dagaalo ka jioreen degaamada Tigrayga iyo Ereteriya, oo Djibouti u noqotay dekeda kali ah ee wax uga soo degaan, waxna ka dhoofiso.

Haddii ay dal Soomaali leedahay badeeda qabsan lahayd waxa ugu dhaweyd Djibouti, hase ahaatee ma dhicin. Sidaa awgeed heshiiskastoo ay la gaasho Somaliland kama duwanaanayo ka Djibouti, sobobo badan awgeed oo ay ugu horayso, iskuma halayn karto sii haysasho haddii xoog yimaado, mana qaadanayso fursada deked la’aan ah oo ku dhacda.

Khadka Tareenka Djibouti -Itoobiya
Khadka tareenka Djobuti ilaa Addis

COMMENTS