CABAYS.COM
Maalintaaba Itoobiyaa yaabtay, sida ay maanta u yaaban yihiin – Waa qormo dib-uraac ah maalmo isa shabaha
August 21, 2020 - Written by Cabays

Dareen muwadin: Qalinkii C/laahi Maxamed Cali – London- UK

CabaysMaalintaaba Itoobiyaa yaabtay, sida ay maanta u yaaban yihiin.

Waxaay ahayd isla todobaadkii Madaxweyne Daahir Riyaale loo dhaariyey xilka madaxweyne markii uu geeroyooday Alaha ha u naxariistee madaxweynihii aas-aaska dawliga ah u dhigay JSL, waxa aanu ku sugnayn barxada ama gudaha dayrka Madaxtooyada , meel aan kaba fogayn irida laga galo gudaha daarta ,marka la soo dhaafo albaabadii waa weynaa ee galista iyo bixista ahaa ee Madaxtooyada JSL.

Halkaa waxa aan kula kulmay wafti saddex qof ka koobnaa oo uu hogaaminayey Wasiiro-dawlihii Arimahad Dibada Itoobiya ee xiligaa, Tekeda Alemu , oo dalka u yimid si uu u muujiyo sii xoojinta xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya.

Isla maalmahaa uu marxuun Cigaal geeriyooday, cilaaqaadka Itoobiya iyo Somaliland, sidii Cigaal doonayey uma jirin, shirkii jaraa’id ee ugu dambeeyey ee uu qabto makrii uu ka soo noqday Itoobiya ayuu si cad ugu sheegay in arini jirto. Iyadoo sidaa ay tahay Itoobiya waxa amakaaga ku riday sidii aan muranka, buuqa iyo khilaafka lahayn ee isla markiiba xilikii madaxweyne ula wareegay Madaxweyne Daahir Riyaale geeridii Cigaal ka dib.

Tekeda Alemu , oo aan si saro-joog ah ku wareystay isagoo markaa uun kulan uu la qaatay Madaxweyne Daahir Riyaale ka soo baxay, una sii socday kulan kale oo iyagana la qaadanayey Shir-gudoonka Golaha Wakiilada oo uu ku sii-sime ahaa maalmahaa C/qaadir Ismaaciil Jirde. Waxa iiga baxay in Itoobiya ay u maaro laadahay JSL, marka loo eego sidii ay doonaysay in ay ka yeesho.

Tekeda Alemu , waxa aan weydiiyey sida uu u arkaayey xil-ku-wareejintii Daahir Riyaale, waxaanu isagpo si u qaadan waa ah u hadlaya, waxa uu ku celceliyey erayga ah lama filaan “unexpected” oo uu ku sharaxay dareenkii uu ka qaatay martkii xilka lagu wareejiyey Daahir Riyaale.

Waxa kale oo aan xusuustaa jawaab uu iga siiyey su’aal aan weydiiyey oo ahayd, in xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland sii xumaado, maadaama uu saluugsanaa marxuunkii Cgaal, jawaabtii uu isiiyey ayaa ahayd “Filimaayo in ay jirto ama ay jirayso xukumad Itoobiya oo rabta (rabtay) in xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland xumaado.

Tekeda Alemu, iyo xukumadii Meles Zenawi, waxa ay la liiteen in ay wax u yeedhiyaan marxuun Cigaal, waxaanu la god galay isagoo marxuunku aamisan in “inama yar yar” waa sida uu hadalka u dhigaye oo Itoobiya ka taliyaa aanay isagoo waayo arag ah tpoda marsan karin.

Maantana waxa isla kadeedan madaxweyne Muuse Biixi & Abiy Axmed oo moodayey in uu isaguna wax u yeedhin karo, laakiin imika yaaban sida ay JSL hogaankeedu ugu soo taagan yahay. Maxaa u dambeeyey -Shirkii Djibouti ee Somaliland & Somalia, oo la sheegay in madaxweyne Muuse Biixi si cad Abiy Axmed ku yidhi “Adigu noo kala bax anagaa Soomaali ah” waa sida xogu sheegayaane. Iyo xidhiidhkii JSL la yeelatay Masar oo ay Itoobiya isku dayday in ay ku khasabto in ay xidhiidhka u jaraan Masar, taas oo si cad oo aan gabasho lahayn u diiday xukumada JSL.

Marna Itoobiya JSL uma yeedhin, mana marsiin wax aanay raali ka ahayn., saamayna kuma leh go’aanada ay qaataan ama ay qaateen madaxda JSL. – waa halka u muujisay in ayna ahayn tii ay moodeen.

Tekeda Alemu, waxa uu ahaa sarkaalii ugu safarka badnaa JSL ee Addis Ababa laga soo diro sanadihii 201-2002.. Dhawaana waxa laga badalay xilka safiirka Itoobiya u fadhiyey Qaramada Midoobay, New York.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Image may contain: Mustapha Mohamed Haji Aadan, text that says "RITY COU CONSEIL SEC COUNCIL JRI SEIL"
COMMENTS