CABAYS.COM
Madaxtooyada Somaliland Oo Eedo U Jeedisay Ganacsade Axmed Cismaan Geelle Arab
April 4, 2019 - Written by Cabays

Hargeysa (Cabays)- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud warsame Jaamac ayaa sheegay in Ganacsade Axmed Cismaan Geelle Arab uu yahay Nin lacago badan ka soo dhacay Bangiyo laga leeyahay dalka Faransiiska.

Afhayeenka oo imika shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa waxa uu yidhi: “Axmed Cismaan Geelle ayaa qirtay in daynta lagu leeyahay ay tahay xaqiiq oo uu leeyahay bangi Faransiiska ah”.

Dhinaca kale Afhayeenka Madaxtooyadu waxa uu sheegay in Ganacsade Axmed Cismaan Geelle uu waraaqo been abuur ah ku faafiyay bulshada isaga oo madax-dhaqameed aan xog hayna soo abaabulay.

“Somaliland noqon mayso meel lagula soo dhuunto lacagaha laga soo dhaco caalamka” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadu isaga oo warbaahinta la hadlayay isaga oo Ganacsadaha ku eedeeyey in uu khalkhal galiyay amniga dalka.

Wariye ka tirsan shabakadda Cabays oo Goob-joog ahaa waxa uu noo xaqiijiyey in waftigii ka socday Jabuuti ee aanu hore idiinku sheegnay in ay ahaayeen wafti ka socda Bangiga BCIMR

Halkan Ka Daawo Hadalka Afhayeenka:

COMMENTS