CABAYS.COM
Madaxweynaha Dalka Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Ayaa goor dhaweyd u ambabaxay Magaalada Doxa ee dalka Qatar
May 13, 2018 - Written by Cabays

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa goor dhaweyd wuxuu ka ambabaxay Magaalada Muqdisho isaga oo ku sii jeeda Magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Safarka Madaxweynaha uu ugu ambabaxay Magaalada Doxa ee dalka Qatar ayaa wuxuu qaadan doonaa laba cisho, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Villa Somaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda dalka Qatar kala soo hadli doono arrimaha ku aadan xiriirka labada dal iyo sidoo kale xiisadaha ka dhex taagan dalalka Khaliijka.

Xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Somaliya ka dhaxeeya ayaa xumaaday, waxaana warar soo baxaya ay sheegayan in Madaxweyne Farmajo madaxa Qatar uu kala hadli doono buuxinta kaalintii ay baneysay dowladda Imaaraadka Carabta.

COMMENTS