CABAYS.COM
Madaxweynaha Faransiiska oo filim jillay
May 12, 2018 - Written by Cabays

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa kasoo muuqanaya filim lagu soo bandhigi doono mehrajaanka aflaamka Cannes, ee Faransiiska.

Macron oo dhallinyaronimadiisii kusoo baxay jilliinka masraxyada, halkaas oo xitaa ahayd meesha uu kula kulmay xaaskiisa, ayaa hadda isaga oo madaxweyne ah kasoo muuqanaya filim cusub oo laga jillay isbadalada ku dhacay Faransiiska tan iyo sanadkii 1968-dii, xilligaas oo uu kacay kacaankii ardayda.

Filimkan ayaa lagu magacaabaa La Traversée, kaas oo uu Macron kasoo muuqanayo 7 daqiiqo.

Macron ayaa filimka uga soo muuqanaya si lama filaan ah, isaga oo xitaa ka naxsanaya jillayaasha kale oo aanan markaas isaga filanaynin.

Waa markii ugu horeysay oo madaxweyne Faransiiska ah uu jillo filim inta taariikhda lagu hayo.

Filimka ayaa waxaa kale oo kasoo muuqanaya dad badan oo kala duwan oo uu xitaa ka mid yahay nin imaam ka ah masaajid dalkaas ku yaala si loo ogaado fikradiisa Faransiiska.

Waa dhif iyo naadir in hoggaamiyeyaasha adduunka ay aflaamka jillaan, dadka la garanayo illaa hadda waxaa ka mid ah boqorada Ingiriiska oo filim la jishay atooraha James Bond, waxaa kale oo jillay Nelson Mandela isaga oo kasoo muuqday filimkii 1992-dii ee Malcolm X oo ahaa hoggaamiye u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka madoow ee Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isna jilley filim sanadkii 1992-dii, kaas oo lagu magacaabo Home Alone 2.

COMMENTS