CABAYS.COM
Madaxweynaha Somaliland Oo Cafis U Fidiyay 517 Maxbuus Munaasibadda 18 May Awgeed
May 18, 2019 - Written by Cabays

Hargeysa (Cabays Media)- Madxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu shalay galab cafis Madaxweyne u fidiyey 517 Maxbuus oo dalka ku xidhnaa kuwaasi oo uu ku sii daayay cafis ku aaddan Munaasibadda qaranka ee Xuska sannad Guurada 28aad ee ka soo wareegtay maalintii Somaliland xornimadeeda dib ula soo laabatay.

War-saxaafadeed Madaxtooyada somaliland ka soo baxay waxa uu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-310/052019, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Cafis Guud

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149aad;

Markaan Tixgeliyey: In Xuska 18 May Awgeed Cafis Loo Fidiyo Maxaabiista Dembiyada Fudud Ku Xukuman;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 517 (Shan Boqol Toddoba iyo Toban) maxbuus.

2) Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhashay dembiyadda ay ku xukunnaayeen maxaabiistaasi, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

3) Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan.

COMMENTS