CABAYS.COM
Madaxweynaha Somaliland Oo Kulamo La Qaatay Guddida Heer Qaran ee Ka Garnaqidda Shaqaaqadii Ceel-Afweyn iyo Waxgaradka Deegaanka
November 26, 2018 - Written by Cabays

Cabays Media(CeelAfweyn)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay u hoydey magaalada ceel-Afweyn ee gobolka sanaag, waxaanu halkaa kulamo kala duwan kula yeeshay guddida heer qaran ee ka garnaqeysay diriirtii colaadeed ee ka dhacdey degmada Ceel-Afweyn iyo labadii dhinac ee ay saameysay shaqaaqadaas heshiiska laga gaadhay.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo guddida heer qaran ee hore loogu xilsaaray daminca shaqaaqadii deegaanka Ceel-Afweyn, ayaa si xeeldheer iskaga xog-warraystay natiijada dedaalladii guddidu ku hawllanayd, iyaga oo madaxweynaha inuu ku saacido qabyo-tirka go’aamadii go’aamadii nabadeed ee colaaddaas lagu soo afjaray iyo fulinta dhammaanba go’aamadii labada beelood ee walaalaha ahi ku heshiiyeen.

Madaxweynaha Somaliland,ayaa dhiniciisa guddidan ku bogaadiyay dedaalada ay wadaan ee ay nabad waarta kaga dhalinayaan deegaanka ceel-Afweyn, geesta kale madaxweynaha Somaliland ayaa kulamo muhiim ah la qaatey madaxda dhaqanka waayeelka iyo wax garadka labadii beeleed ee walaalaha ah, didirtuna ku dhexmartey deegaano ka tirsan degmada Ceel-Afwey ee gobolka sanaag, waxaanu madaxweynuhu labada dhinac farey fulinta awaamiirtii ka soo baxdey guddidii xeer beegtida aheyd ee nabada ka waddey degaamada sanaag.
Madaxweynaha Somaliland iyo waxgaradka labadaa bulsho ayaa is buuxda isula meel dhigay fulinta qodobadii heshiiska ka soo baxay shirkii nabada ee hore uga qabsoomay Ceel-Afweyn iyo ilaalinta guud ahaan nabadgalyada dalka somaliland oo cid walba waajib ku ah balse uu si gaara ugu dardaaray Madaxweynuhu inay dhawraan heeganna ugu jiraan.
Ujeedka Kulankan iyo joogitaanka uu madaxweynuhu xalay u hoyday Cee-Afweyn ,ayaa salka ku haysa in uu madaxweynuhu joob-joog ka ahaado hirgelinta iyo dhamaystirka heshiiskii hore loo kala saxeexday.FB_IMG_1543225651068 FB_IMG_1543225651068 FB_IMG_1543225640221 FB_IMG_1543225573208 FB_IMG_1543225568378FB_IMG_1543225563956 FB_IMG_1543225539366 FB_IMG_1543225535055 FB_IMG_1543225528576 FB_IMG_1543225522722 FB_IMG_1543225516538 FB_IMG_1543225510255 FB_IMG_1543225501498 FB_IMG_1543225495866 FB_IMG_1543225490956 FB_IMG_1543225482404 FB_IMG_1543225463109 FB_IMG_1543225457880 FB_IMG_1543225452715 FB_IMG_1543225446599 FB_IMG_1543225442125 FB_IMG_1543225436839 FB_IMG_1543225431542 FB_IMG_1543225426695 FB_IMG_1543225421431 FB_IMG_1543225415515 FB_IMG_1543225410351 FB_IMG_1543225405538 FB_IMG_1543225401597 FB_IMG_1543225396871

COMMENTS