CABAYS.COM
Madaxweyne Biixi Oo Safarkii Ugu Horeyey Ee Gobollada Bari Ku Tegi Doona Sool iyo Sanaag
July 2, 2018 - Written by Cabays

Wararkii ugu dambeeyey ee ay helayso shabakadda wararka Cabays Media  ayaa sheegaya in madaxweynaha  Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayo ay ku wajahan yihiin deegaamada ay isku horfadhiyaan ciidanka Puntland iyo Soomaaliland  degaanada dirirta coladeed ku dhex martay beelaha walalaha ee wada dega sanaag.

Muuse Biixi Cabdi ayaa wararku sheegayaan inuu safar dhulka ah ugu horayn kutegi doono deegaamada Ceel-afweyne iyo Darar-weyne ee gobolka Sanaag oo ay ku dagaalameen ciidamo ka soo kala jeeda beelo halkaasi wada degan sababayna khasaare nafeed.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona qaybaha bulshada labada dhinac iyo saraakiisha ciidamada Soomaaliland ee muddooyinkii ugu dambeeyey ku kala dhex jirey ciidamada halkaasi isku horfadhiya isagoona kala hadli doona nabadaynta deegaamadaasi.

Dhanka kalena, warar hoose ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu safar ku tegi doono deegaamo katirsan gobolka Sool gaar ahaan fariisimada iyo talisyada ciidanka Soomaaliland ee Tukaraq ilaa Laascaanood.

Safarka madaxweynaha Soomaaliland ee Tukaraq ayaa waxaa haddii ay hirgasho ka dhalankara dagaal u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Soomaaliland oo hadda qarka u saaraan inay markale isku farasaaraan deegaamadaasi oo ay  horay ugu dagaalameen labada dhinac.

Safarka la filayo in madaxweynaha somaliland ugu baxo gobolada bari ee somaliland  waxa u noqonayaa safarkii ugu horeyey ee uu ku tago tan iyo markii uu talada dalka la wareegay

COMMENTS