CABAYS.COM
Madaxweyne Biixi Oo U Quus Gooyay Maxamuud Xaashi Oo Waday Dhaqdhaqaaqyo Uu Ku Doonayo In Lagu Wareejiyo Guddoomiyaha KULMIYE
April 11, 2018 - Written by Cabays

CabaysCabays Meida: (Hargeysa, Jam. Somaliland) Madaxweynaha Jam. Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in gudoomiyenimada Kulmiye lagu wareejin doono tartanka shirweynaha xisbiga oo aanu sheegin goorta uu qabsoomayo laakiin, waxa uu isku sidkay mudo xileedkiisa madaxweyne iyo guddoomiye oo uu sheegay in uu labada wareejin doono.
“Xisbigu xeer buu leeyahay, xeer baanu ku dhaqma. Xisbiga waan wareejin doona oo madaxweynenimada waan wareejin doona oo midna inta aan sii fadhiyo wakhtigii ay mudaysnayd ee xeerka ahayd ku dhaafi maayo, marka xeerkii xisbiga iyo wakhtigiisa ayuun baa la wareejinaya waana wax noo xeer ah,”  Sidaas ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Wariye Cabdisalaan Hereri oo madaxweynaha wareysanayey ayaa ku celiyay goorta ay noqonayso wareejinta kursiga gudoomiyaha waxaanu ku jawaabay “Marka dee xisbigu wakhtigiisa qaato, xisbiga go’aanka leh. Waxay noqonaysa marka xisbigu soo iclaamiyo ilayn go’aamin maayo oo waa laga tashanayaaye,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.
Hadalka madaxweyne Biixi ayaa jawaab u ah dhaqdhaqaaqa wasiirkii hore ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi  oo la sheegay in uu xiligan ku doonayo in kursiga gudoomiyaha Kulmiye lagu wareejiyo.

Waxa la rumaysan yahay in uu hanaan beeleed ku raadinayo kursiga laakiin wasiirkii hore ee madaxtooyada xiligii madaxweyne Siilaanyo, hase ahaatee Madaxweyne Biixi ayaa arrin Kulmiye u taala ku xidhay waxaana hadalkiisa loo fahmi karaa in wareejinta gudoomiyaha mudo xileedkiisu isku xidhan yihiin xataa haddii uu mar kale isa soo sharraxayo taas oo quwad jab ku ah siyaasi Maxamuud Xaashi oo xilligan u xusul duuban hanashada kursigaasi.

Maxamuud Xaashi, wasiirkii hore ee madaxtooyaada JSL ayaa la sheegay in uu aduun lacageed oo malaayiin ah diyaar la yahay in uu gudoomiyenimada xisbiga Kulmiye ku hantiyo. Lacagtaas oo ah mid uu helaay mudadii uu xilala wasiirnimo ee wasaaradaha Duulista iyo Hawada iyo Madaxtooyadda ka helay.

Geesta kale waxa uu madaxweyne Biixi ku adkaystay in beelaha Somaliland u xaqsooray kuraasta islamarkaana aanay jirin in ay u dheelliday dhanka beeshiisa iyo guud ahaan beelaha Kulmiye codka badan siiyay.
Madaxweyne Biixi waxa kale oo uu soo dhaweeyay shirweynaha beelaha Garxajis ee qabanqaabadiisu ka socoto degaannada beesha, islamarkaana aanu wax dhib ah u arkayn in beeluhu aayahooda ka tashadaan.

 

Halkan hoose ka daawo wareysiga uu wariye C/salaan Hereri la yeeshay madaxweyne Muse Biixi Cabdi.

COMMENTS