CABAYS.COM
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo lagu sharfay Xadhig kajarka Mashaariic Magaalada Berbera Laga Hirgeliyey & Kuwo gacanata lagu hayo
April 16, 2019 - Written by Cabays

CabaysBerbera -JSL (Cabays Media)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalo xeebeedka, ahna magaalada dekeda ugu weyni ku taal ee Berbera, ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic wadooyin iyo dhismeyaal isugu jira oo laga hirgeliyey gudaha magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Xadhig ka jarkan oo ahaa mid madaxweynaha lagu maamuusay, maadaama Golaha Deegaanka Berbera oo uu hor kacayo duqa magaaladu ay iyagu iskood u hirgaliyeen.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ay wehelinayaan xubno kamid ah maamulka gobolka Saaxil, kan degmada Berbera iyo xubno kamid ah golaha xukumada, ayaa soo kormeeray mashaariic wax ku ool ah oo dhinaca horumarka ah oo gudaha magaalada laga hirgeliyey, kuwaas oo kamid ah qorsheyaashii saddex biloodka ahaa ee ay fulisay dawladda Hoose ee Berbera, islamarkaana bilic kusoo kordhiyey magaalada oo hore u ahayd mid ka aradan mashaariicda noocan ah.

8B7A1431

 

Saddex waddo oo casri ah oo ay dawladda hoose ka hirgelisay magaalada Berbera, kuwaas oo mid kamid ahi laba haad ka kooban tahay iyo dhisme cusub oo lagu kordhiyey Cusbitaalka guud ee Berbera, ayaa ka mid ah goobaha uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray ee lagu maamuusay xadhig ka jarrkooda. Soo sidoo kale waxa uu soo indho indheeyey qaabka iyo qalabka dugsiga farsamada gacanta ee Berbera.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu soo kormeeray ballaadhin iyo casriyeyn lagu sameeyey laanta uu Baanka Jamhuuriyadda Somaliland ku leeyahay magaalada Berbera iyo dhisme cusub oo lagu kordhiyey cusbitaalka guud ee magaalada Berbera. Madaxda Baanka iyo hay’adaha kala duwan  ee ku lug leh lacagaha iyo dhaqaalaha ayuu madaxweynuhu ku amaanay sida ay u xakameeyeen kor-u-kaca lacagta sarifka Doollarka.

8B7A1392

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu si rasmi ah u faray oo uu xadhigga uga jaray Garoonka kubadda cagta ee Cabdall-Sandheere Stadium ee magaalada Berbera oo rooga casriga ah la dhigay dhawaan, islamarkaana la casriyey, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Boos Mire Maxamed ayaa xadhiga ka jarka goobta shaaca kaga qaaday inay wasaarad ahaan hirgeliyeen casriyeynta garoonka, islamarkaana uu madaxweynuhu arrintaas kaalin mug leh ka qaatay

Duqa magaalada Berbera, Mudane Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) iyo Guddoomiyaha gobolka Saaxil, Eng. Axmed Cismaan Xasan oo hadallo kooban goobta ka jeediyey xadhig-ka-jarista wadooyinka cusub ee magaalada laga hirgeliyey, ayaa faahfaahiyey sida ay maamul ahaan iskaga kaashadaan horumarinta magaalada, islamarkaana ay xil iska saareen sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen sidii ay u abuuri lahaayeen jawi soo jiita maalingelinta ballaadhan oo magaalada Berbera hesho.

default

Gabogabadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi,  waxa uu si mug leh ugu mahadnaqay maamulka gobolka Saaxil iyo guud ahaanba shacabka gobolka, isaga oo tysaale uga dhaiya Somaliland inteeda kale, kana marag kacay sida ay iskaga kaashadeen horumarinta degmada iyo bilicdeedaba, waxana ku tiraabay:

“Waxa aynnu u mahadnaqaynaa dadweynaha gobolka Saaxil iyo kuwa Berbera, runtiina waannu bogaadinaynaa maamulka gobolka iyo dadweynahaba, labaduba bogaadin bay leeyihiin oo maamulkiina hoggaamin wacan iyo la xisaabtan iyo inuu yidhaahdo wixii aad Ii dhiibteen waxaas baan idiinku qabtay iyo Daah-furnaan uu yidhi wixii aad dhiibteen waakaas oo meel walba wixii loo qorsheeyey baa la helay.”

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay Berbera heshay hogaamin wanaagsan, isaga oo xusay in aanay jirin saaray wax dheeraad ah oo si gaar ah loo siiyo magaalada Berbera,

“Dad badani waxa ay qabaan in dawladda Hoose ee Berbera ay taageere dhaqaale oo dheeraad ah hesho oo ay dekedda ka hesho, waxanse sheegayaa inaanay wax dheeraad ah oo dawladda Hoose ee Berbera heshaa aanay jirin, Berbera hoggaamin wacanna way heshay, dadkoodiina way aamineen, waxoodiina way isku darsadeen, wixii ay dawladda dhexe ay ka heleenna dadka kale ayey ula mid yihiin, markaa maamulka waxan usoo jeedinayaa in qorshahoodu uu gobolka oo dhan gaadho,” sidaas waxa yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Sidii hore looga bartay waxa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu socod lug ah ku maray laamiyada kala duwan ee magaalada Berbera, isaga oo la shaaheeyey shacabka magaalada, indhihiisana ku arakay isbadalka biliceed ee ku socda magaalada oo uu ogyahay taariikhda marxaladihii ay soo martay oo uu qaarkood xiliyadii ugu adkaa ka mid ahaa madaxdii qaranka ee xaaladaheeda qaar waayo arag u ahaa.

Cabays Media

Berbera- JSL

COMMENTS