CABAYS.COM
Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Burco
November 20, 2018 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Burco- JSL) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo maalmahanba safar shaqo ku jirey, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey gudaha magaalo-madaxda gobolka Togdheer ee Burco iyo magaalooyinka dhinaca galbeed kaga beegan.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka hiirtii hore ka kalahay magaalada Berbera, ayaa soo dhaweyn aan loo kala hadhin kulmay shacabka ku dhaqan tuulooyinka iyo magaalooyinka u dhexeeya Berbera ilaa Burco, kuwaas oo caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland ku soo dhaweynayey madaxweynaha iyo weftigiisa.


Hormoodka heer gobol iyo heer degmo oo ay si weyn ula socdaan dadweynaha gobolka iyo degmadu, xildhibaanno, madaxda dhaqanka qaybaheeda kala duwan, haween-weyne tiro badan, dhalinyarada gobolka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo haldoorka gobolka Togdheer, ayaa soo dhaweyn baaxad leh ku qaabilay madaxweynaha iyo weftigiisa, kuwaas oo safaf dhaadheer kaga jirey duleedka galbeed Burco iyo wadooyinka halbowlaha ah ee magaalada dhex mara, isla markaana astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka reer Burco ee soo dhaweeyey socod lug ah ku dhex maray, waxana uu kula hadlay fagaaraha xarunta gobolka, isaga oo uga mahad celiyey soo dhaweynta qalibga furan ee ay ku qaabileen, kuna bogaadiyey inay midnimadooda iyo wada-jirkooda ilaashaadaan.

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi ayaa dadweynaha ka hor salaan ka qaatay cutub ka tirsan Ciidqanka Qaranka Jamhuuriyad Somaliland ee Gobolka Togdheer.

La soco warbixin socdaalka Madaxweyn Muuse Biixi ee Gobolada Bari.

Halkan hoose ka daawo sawirada soo dhaweynta wafriga ee Burco.

FB_IMG_1542714298465 FB_IMG_1542714237074 FB_IMG_1542714242721 FB_IMG_1542714248349 FB_IMG_1542714254055 FB_IMG_1542714260790 FB_IMG_1542714266587 FB_IMG_1542714273058 FB_IMG_1542714278577 FB_IMG_1542714284559 FB_IMG_1542714290752 FB_IMG_1542714290752 FB_IMG_1542714339983FB_IMG_1542714298465

COMMENTS