CABAYS.COM
Madaxweyne Muuse Biixi iyo Weftigii uu Hoggaaminayo Oo Soo Dhaweyn Ballaadhan loogu Sameeyey Degmada Ceel-Afweyn
November 25, 2018 - Written by Cabays

Cabays Media(CeelAfweyn)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta oo axad ah si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Shacab-weynaha ku dhaqan degmada Ceel-Afweyn oo isugu jira culimo, madax-dhaqameed, siyaasiyiin, dhallinyaro, haween iyo waxgarad oo ay hoggaaminayaan madaxda heer gobol iyo heer degmo, ayaa madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo kaga horyimi dhinaca Galbeed ee magaalada, kuwaas oo u galbiyey barxadda khayriyadda magaalada oo shacabka lagala hadlay.

Ugu horrayn xubno kamid ah madaxda dhaqanka ee deegaanka oo safka hore kaga jirey soo dhaweynta madaxweynaha oo halkaas ka hadlay, ayaa bulshada reer Ceel-Afweyn ku bogaadiyey sida aan kala hadhka lahayn ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyeen, waxana ay sheegeen in guud ahaanba deegaanka Ceel-Afweyn ay ka taabbo-gashay nabadi, isla markaana ay bulshadu waqtigan gacmaha is wada haysato.

Siyaasiyiin iyo xildhibaanno kasoo jeeda degmada Ceel-Afweyn oo madasha soo dhaweynta ka hadlay, ayaa dhinacooda shacabka deegaanka ee u midoobay soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa si weyn ugu mahad-celiyey, waxana ay madaxweynaha ku boorriyeen inuu dhidibbada usii aaso nabadda dhawaan laga xidhay deegaanka Ceel-Afweyn.

Wasiirrada wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga iyo Gaashaandhigga, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo Ciise Yuusuf Axmed oo la hadlay shacabka qaybta ka ahaa soo dhaweynta madaxweynaha, ayaa ku dheeraaday sida ay xukuumaddu iskaga xilsaartay horumarinta gobolka iyo adkaynta nabadgelyada deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhinaciisa bulshada ku dhaqan demgada Ceel-Afweyn ka codsaday inay wada-jir iskaga xilsaaraan adkaynta nabadda iyo wada-jirka, waxana uu yidhi, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Biyo la heli maayo, caafimaadna la heli maayo haddii aan nabadda la adkaynin, cidda nabadda fadqalalaynaysa inaynnu gacan wada saarno uun baa waajib ah.”

FB_IMG_1543165800038FB_IMG_1543165793512FB_IMG_1543165781297FB_IMG_1543165776098FB_IMG_1543165767440FB_IMG_1543165767440 FB_IMG_1543165761709FB_IMG_1543165757314FB_IMG_1543165747955FB_IMG_1543165743285 FB_IMG_1543165735003FB_IMG_1543165776098

COMMENTS