CABAYS.COM
Madaxweyne Trump Oo Sheegay In Go.aan Ka Gaadhi Doono Heshiiska Nukliyeerka Iiraan
May 8, 2018 - Written by Cabays

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in maanta oo Talaada ah uu shaaca ka qaadi doono in uu baabi’inayo iyo in kale, heshiiska dhanka niyuukleerka ee quwadaha caalamka ay la galeen dalka Iiraan.

Trump ayaa aad u dhaliilayay heshiiskaasi caalamiga ah oo Iiraan ay ku ogolaatay in ay hakiso hawlaheeda niyuukleerka, taa badalkeedana laga khafiifiyo xayiraadaha dhaqaale ee saaran.

Hadalka Trump ayaa ku soo beegmaya xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Britain, Boris Johnson, uu magaalada Washington kula kulmay saraakiil Mareykan ah, arrintaa oo qeyb ka ah dedaalada ay wadaan reer Yurub ee lagu badbaadinayo heshiiskaasi.

Go’aanka Trump oo kal hore la filayay dhammaadka usbuucan ayaa hadda soo afjaraya dedaal xilliyadii dambe ay wadeen waddamada reer Yurub oo ay doonayeen in ay ku qanciyaan madaxweyne Trump in uu tixgeliyo heshiiskaasi.

Boris Johnson ayaa ah mas’uulkii ugu dambeeyay ee arrintan daraadeed ugu safray magalaada Washington, si ay u difaacaan mowqifka reer Yurub ee ku aadan heshiiskasi.

Wasiirka arrimaha dibadda Britain ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegay in ay jiraan waxyaabo gaabis ah oo ku jira heshiiskaasi, balse uu Iiraan ka hor istaagay in ay sameysato hubka niyuukleerka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan jirin hadda qaab kale oo Iiraan looha hor istaagi karo in ay sameysato hub niyuukleer ah.

Hoggaamiyeyaasha reer Yurub ayaa sheegay in ay ku adkeysanayaan ixtiraamidda heshiiskaasi xitaa haddii madaxweyne Trump uu dhankiisa ka baxo.

Balse arrintaasi ayaa adkaan doonto haddii Mareykanka uu xayiraado hor leh ku soo rogo Iiraan iyo shirkadaha iyo bangiyada ganacsiga kala dhaxeeyo dalka Iiraan.

COMMENTS