CABAYS.COM
Magacyada Mudaneyaal Damacsan In Xilka Laga Tuuro Guddoomiye Saleebaan
July 4, 2018 - Written by Cabays

Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxaa ka dhex istaadhan mooshin la doonayo in xilka laga qaado Guddomiyha Golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan waxaana maalintii shalay qaar ka tirsan xildhibaanadu ay soo jeediyeen in dib loo furo xeer-hoosaadka Golaha kaas oo awaadda golaha oo dhan siinaya Guddoomiyaha Guurtida, muddo sawaxan iyo buuq ka dib waxaa laysla qaatay in arrinkaasi gacantaag la galiyo oo maalinta sabtida ah loo balamo, Mooshinkan ayaa waxaa wadda xildhibaano tiro badan oo uu ka mid yihiin:

Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxaan

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin “Dheeg”

Xildhibaan Dayib Xasan Muxumed

Xildhibaan Cawil Dhawiil Xasan

Xildhibaan Cabdicasiis Boosh-cadde

Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yasir

Xildhibaan Cabdiraxmaan Laangadhe-libaaxo

Xildhibaan Faysal Ciise Ubaxle

Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac

Xildhibaan Jirde

Intan oo kaliya kuma koobna Xildhibaanada doonaya in Xeer hoosaanka golaha dib loo furo balse waxaa jira kuwo kale oo iyaguna Hanqalka taagaya haddii golahu u coddeeyo in Cod la galiyo furitaanka Xeerkani.

Xeer-hoosaadkan ayaa haddii la furro oo golahu ogolaado waxaa la doonayaa in Xilkooda ay waayaan Shirguddoonka golahaaasi.

COMMENTS