CABAYS.COM
Maraakiib xambaarsan shidaal wasakheysan oo ku soo xidhay Keyda Haamaha Shidaalka Berbera
April 12, 2018 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media:- (Hargeysa, Jam. Somaliland) Keydka Haamaha shidaalka ee magaalada Berbera ayaan maanta wax shidaal ah ka soo bixin kadib markii shidaalkii halkaasi lagu shubay uu noqday mid wasakhaysan oo waxyeelo u geysanaya gaadiidka lagu shubbo.

Booyadaha shidaalka ka soo qaada keydka hamaha shidaalka ee magaalada Berbera ayaa dib loo celiyey kuwoodii la soo dhamaamiyey maanta.
Saddexdii markab ee ugu danbeeyey ee ku soo xidha haamaha shidaalka ee magaalada Berbera markii la baadhay waxa soo baxday in shidaalka aykeeneen uu yahay mid xabag leh (Wasakheysan) – sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan qeybta sheybaadhka ee keydka haamaha shidaal Berbera.

Keydka shidaalka ee magaalada Berbera waxa dhex yaala LAB ama qalab lagu eego tayada shidaalka dalka soo gelaya bal se shirkaddaha shidaalka soo dejiya oo iyagu gacanta ku haya qalabkaasi ayaan muhiimad siinin natiijada ka soo baxda shidaalka ay dalka keenaan.
Shirkadda Red Sea oo ka mid ah shirkaddaha shidaalka ka soo waaridka magaalada Dubia ayaa ah shirkadda hadda keentay markiibta sidda shidaalkani wasakheysan.

Sawirka booyadaha shidaalka qaada oo hortuban Keydka Haamaha Shidaalka Berbera

Masuuliyiinta keydka haamaha shidaalka Berbera BOG oon isku dayey in aan wax ka weydiiyo arrintani iimay suurto gelin.
Waxa kale oo xusid muddan ganacsatada gacanta ku haysa keydka shidaalka haamaha ee magaalada Berbera in ay iyaga uun keenaan shidaalka dib u sii iibiyaan.

Ugu danbeyntiina gaadiidka qaada shidaalka oo hadda hor tuban keydka haamaha shidaalka Berbera waxay diideen in ay qaadaan shidaalka wasakheysan.

COMMENTS