CABAYS.COM
Maxaa ku ladhan kulanka qado sharafta ah ee uu ku maamuusay Gud. Cirro labada Diktoor ee Galaydh & Samatar?
May 3, 2019 - Written by Cabays

Cabays Media (Hargeysa- JSL)  – Tuhunada jira ee in Pro. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Prof. Cali Khaliif Galaydh ayna isku sansaan-wanaagsanayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa u muuqda in uu uu abuuray damac siyaasadeed oo uu ku soo jiidanayo  Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani  Prof. Cali Galaydh iyo Prof.Axmed Samatar.

Talaabadan ayaa la dareemayaa maalmahan dambe oo labada aqoon yahan ay fagaarayaal badan kaga hadleen arimo ay saluugsan yihiin oo ku aroora hogaanka dalka iyo arinta heshiiska Khaatumo ee madaxweynihii 1aad ee Kulmiye ka soo baxaa saxeexay.

Waxaana Gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo kulan ku maamuusay labadan siyaasi/aqoonyahan ee miisaanka ku leh Jam/ Somaliland ayaa u muuqda inuu  jiro damac ah mid xisbiga Waddani uu ku doonayo in uu u soo dabaalo maadaama ay u muuqdaan kuwo ka sii fogaanaya xukumada iyo xisbiga Kulmiye.

Kulanka Gudoomiye Cirro ku maamuusay labadan siyaasi oo ay ku wehelinayeen madaxda sare ee xisbiga Waddani ayaa Gudoomiye Ciro iyo siyaasiyiinta Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ilo ku dhadhow kulankaasi sheegayaa inay kaga wada hadleen arimo la xidhiidha xaalada uu haatan dalku ku sugan yahay iyo tabashooyinka ay qabaan.

Sidoo kale warar laga helay kulankan ayaa iftiimiyey  in Gudoomiye Ciro iyo labadan siyaasi ay ka wada hadleen sidii Somaliland looga dhigi lahaa meel cadaalada qaybsiga masabyada siyaasadeed la hagaajiyo, waxna laga badalo sida hadda wax yihiin, iyada oo labada dhinacba ay isla qaateen in sida hadda dalku yahay wax ka badali karta jawiga siyaasadeed ee uu ku jiro, kaas oo ay Xisbiga Waddani iyo labadaa aqoon yahan aad u saluugsan yihiin.

Prof Cirro

Inkastoo labadan aqoon yahan aanay si badheedh ah u sheegin in ay ka soo horjeedaan xukumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wali ay muuiyeen saluug, haddana Gudoomiye Ciro ayaa la rumaysan yahay inuu dedaal ugu jiro sidii uu labadaas siyaasi ee aqoonyahanka ah ugu qancin lahaa aragtiyaha xisbiga Waddani isla markaana uga mid noqon lahaayeen xisbigiisa.

Prof. Axmed Samatar iyo Prof. Galaydh ayaa iyagu laftoodu meelo badan ku kala duwan wax ka badalka hanaanka siyaasadeed ee dalka, mana cada haddii ba Xisbiga Waddani soo jiito sida ay iskula meel dhigi karaan arimaha muuqda in ay culus yihiin, sida in dib loo furo Dastuurka JSL oo Prof, Cali Khaliif damacsan yahay in uu ka badalo qodobo aad u mihiim ah, sida hanaanka madaxtoouada oo uu aamisan yahay in JSL yeelato habka Somalia ama Itoobiya ee Madaxweyne aan awood lahayn iyo Raysal-wasaare xukumada soo dhisa.

Waxase muuqata in doodihii ay todobaadadan u dambeeyey Prof Cali Khaliif iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar ku qabanayey gobolada kala duwan ee JSL ay u muuqdeen kuwo Xisbiga Waddani ku abuuray damac soo jiidasho.Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 8 people, people standing, suit and outdoor

 

Prof Samatar oo ka mid ah xisbiga Kulmiye oo haddana laga dareemayo sida aanu ugu qanacsanayn qaabka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  uu dalka u wado iyo xukuumada uu soo dhisayba, haddana waxa uu cadeeyey in aanu mucaarid ku hayn madaxweyne Muuse Biixi.

Si kastaba ha ahaatee waxa jira dareen xoogan oo xisbiga Waddani ka qaatay sidii uu u soo jiidan lahaa labada siyaasi- aqoonyahan, balse uma badna in hal kulan oo qado ah ay ku gaadhi karaan is afgarad, iyagoo sida muuqata aan wali ka rajo dhigin xukumada Kulmiye iyo hogaankeeda.

Sidoo kalena labada aqoon yahan oo ka soo jeeda deegaanada ‘Darafyad’ haddii ay u diga rogtaan xisbiga Waddani waxa ay noqon karaan kuwo ku biiriya miisaan culus oo siyaasadeed xili xisbiga Waddani la ciirayo iska caabinta isbahaysiga xisbiyad UCID iyo Kulmiye oo ay isku mari laayihiin furdaaminta arinka Gudida Doorashooyinka.

Waxase aynu eegnaa halka ay ku dhamaato xidhiidhka cusub ee xisbiga Waddani iyo labadan aqoon yahan oo bulshadu aad isha ugu hayso, dhagahana aad u amaaneeyaan marka ay madal la fuulaan dareenkooda iyo waxa uga muuqda dalka.

Cabays Meida

 

 

COMMENTS