CABAYS.COM
Maxaa ku ladhan socdaalka madaxweyne Siilaanyo ee Kuwait?
March 15, 2016 - Written by Cabays

Cabays

 

 

Cabays Media:-

Socdaalka madaxweyne Siilaanyo ugu baxay dalka Kuwait ayaa ah mid ka mid ah socdaaladii ugu qarsoodiga badna marka ay noqoto arinta dhabta ah ee lagaga hadlayo kulanka magaalada Kuwait ku dhexmaraya madaxweyne Siilaanyo iyo hogaamiyeyaasha boqortooyada Kuwait.

Socdaalkan Kuwait waa mid si dhab ah loo ogayn waxa uu daaran yahay, hase ahaatee sida xubno ku dhadhow wiilka uu sodoga u yahay madaxweyne Siilaanyo oo isagu ku magacaaban xilka safaarad aan xaqiiqadii jirin oo Somaliland ku leedahay dalka Imaaraadka Carabta, balse ah masuul ay u aqoonsan yihiin madaxa Xafiiska Ganacsiga Somaliland ee dalkaas UAE, oo isagu ku wehelinaya socdaalka madaxweyne Siilaanyo ee dalka Kuwait, ayaa wax ay sheegayaan in uu jiro heshiis cusub oo aan noociisa hore loogu soo bandhigin xukumad Somaliland oo xubno ganacsato ah oo dalkaa Kuwait oo ku xidhan qoyska ree boqor ay kulan kula yeelanayaan halkaasi.

Waa sawirada uu qaaday Baashe oo Cabays Media helay.

Waa sawirada uu qaaday Baashe oo Cabays Media helay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Armiha la  sheegay in ay u badan yihiin in dalka Kuwait madaxweyne Siilaanyo lagaga saxeexo ayaa waxa ka mid ah kuwan hoos ku dhigan.

  • In heshiiskii dhawaan dawlada Federalka Soomaaliya la saxeexatay boqortooyada Sucuudiga ee dhigayey isticmaalka xeebaha iyo goobaha milatari ee dalka “Somalia oo Somaliland ku jirto”  oo madaxweynaha Somaliland isna dhankiisa lagaga soo saxeexayo magaalada Kuwait, heshiiskan waxa la socda lacago ogolaanso ah oo wadamaa Gacanka Carbeed bixinayaan, xukumda Siilaanyona ay si weyn u danaynayaan lacagtaas oo aan jeebka qaranka galayn.
  • In boqortooyada Kuwait xubno ka mid ahi ay doonayaan dhul-badan oo ay ka xidhaan Somaliland, siiba buuralayda Gacan Libaax iyo Deegaanka Sheekh.
  • Sidoo kale wararka laga soo xigtay xubno ka mid ah masuuliyiinta Jaaliyada ee dalka Kuwait oo ay xidhiidh la soo sameeyeen waftigu, waxa madaxweyne Siilaanyo mudada uu joogo dabiib-caafimaad iyo baadhitaan ku yeelan doonaa cusbitaalka weyne ee la yidhaa Royale Hayat Hospital oo ah cusbitaalka ugu wanaagsan ee ilaa qosyka reer boqor isticmaalaan. Halkaas oo madaxweyne Siilaanyo kaga faa’idaysan doono baadhitaan caafimaad oo uu gaadhay xiligii uu is baadhayey.

Waftiga oo Hargeysa ka raacay diyaarad ay khaas u leeyihin xubno ganacsato ah oo ka mid ah qoyska xukumada Kuwait ayaa la sheegayaa in mudo 7 cisho ah waftiga Madaxweyne Siilaanyo ku sugnaandoono halkaas.

Socdaalka madaxweyne Siilaanyo ee Kuwait ayaa ka ambobixiisii Hargeysa ahaa mid aan noociisa hore loo arag, iyadoo af-hayeenka cusub ee madaxtooyadu ku dhawaaqay bixitaanka madaxweynaha, hase ahaatee ma jirin sidii looga bartay madaxweynaha markuu baxayo ee lagu sii sabootiyi jiray cutubyo ciiddan oo salaan siiya, baanbooy iyo xubno wasiiro ah oo garoonka diyaaradaha ku sii sabootiya, hase haatee doorkan taasi ma dhicin, waxana si shanqadh yar ugu baxay Kuwait.

Cali Xoor-xoor

Cali Xoor-xoor

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa la eegaa sida iyo waxa uu la soo noqdo madaxwyene Siilaanyo oo ah madaxweynihii ugu socdaalada badanaa, balse aan wax la taaban karo ka keenin socdaaladaas, siiba in uu kor uqaado maqaamka Somaliland ka joogto dunida iyo isagoo socdaaladiisu yihii kuwa ugu kharash iyo hugun badan marka loo eego xukuamdii ka horaysay.

Cabays Media Team

Dubai- UAE

 

COMMENTS