CABAYS.COM
Maxaad ka ogtahay dawladaha aanay xidhiidhka u jari karin Dawlada Farmaajo ee Somaliland heer Aqoonsi kula macaamila
July 5, 2019 - Written by Cabays

Cabays Media (London UK) –   Madaxweynaha Dawlada Federalka Soomaaliya oo aad iskugu mashquuliyey sidii uu xidhiidhada diblamaasiyadeed ee ay Somaliland la yeelato dalalka aduunka u horjoogsan lahaa ayaa todobaadkan uu soo baxay fashil siyaasadeed oo ayku doonaysay in ay dalka Jmahuuriyad Guinea oo xidhiidh cusub la furtay Somaliland ay kaga hor tagto.

Dadaal khasaaray oo ay u gashay in ay dalka Guinea ku qanciso in aan xidhiidh la samayn Somaliland ayaa ay kaga jawaabtay in ay xidhiidhkii u jartay dalka Guinea ka dib markii ay dawlada dalkaas ee uu hogaamiyo Alpha Conde ay ku gacan saydhay dalabka xukumada amaankeeda ay AMISOM ilaaliso ee Faramaajo

Haddaba waa kuwee dalalka aanay dawlada Farmaajo u jari karin xidhiidhka ee horeba ula lahaa Jam Somaliland xidhiidh diblamaasiyadeed oo aan qarsoonayn?

Halkan hoos ka daawo faallo uu ku qaadaa dhigayo C/laahi Maxamed Cali arinkaa iyo sobobta ay dalka Guinea ugu tilmaamtay dal ay xidhiidhka u jartay Somalia.

COMMENTS