CABAYS.COM
Maxaad Ka Taqaan Xildhibaanka Reer Sweden Ee U Ololaynaya In Dalkiisu Aqoonsado Somaliland?
May 12, 2019 - Written by Cabays

Hargeysa (Cabays Media)― Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dalka Sweden ayaa su’aal geliyey sababta ay Dawladdiisu ugu aqoonsan wayday Jamhuuriyadda Somaliland dal-jira.

Magnus Oscarsson oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaaka Sweden ayaa sheegay inuu booqasho ku tagey caasimada Somaliland ee magaalada Hargeysa, isagoona ka dhawaajiyey inuu indhihiisa kusoo arkay Nabad-gelyada iyo dawladnimada ay ku naalooneyso Somaliland.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu la kulmay Madaxweynaha Somaliland intii uu ku sugnaa magaalada Hargeysa, isagoona kulamo kala duwan la yeeshay qaar kamid Madaxda Somaliland.

Oscarsson ayaa Dowladiisa Sweden iyo Shacabkooda weydiiyey sababta ay u aqoonsan la’adahay Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey in Somaliland ay buuxisay nidaamkii dawladnimo ee looga baahna dal baadi-goobaya inuu ictiraaf buuxa ka helo dowladaha Caalamka.

Xildhibaankan katirsan Baarlamanka Sweden oo ka hadlayey munaasibad ay Xuska Maalinta qaranimada Somaliland ee 18-May ku xusayeen jaaliyaDda Somaliland ee dalkaasi Sweden, ayaa wuxuu yidhi:“Waxaan tagay Hargeysa, waxaan soo arkay Nabadgalyada, dawladnimada iyo nidaamka, waxaan la kulmay Madaxweynaha Somaliland. Markaa waxaan waydiinayaa Dawladda Sweden iyo Shacabka, maxaynu u aqoonsan waynay Somaliland?”.
COMMENTS