CABAYS.COM
Maxamed Cumar Carte oo lagu doortan gaadhay Xero Ciidan dhexdeed
December 6, 2016 - Written by Cabays

Muqdisho(HWN):-Raysal-wasaare – xigeenka dawlada Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa noqday xildhibaankii ugu horeeyey ee ku guulaysta ka mid noqoshada xildhibaanada aqalka hoose ee dalka soomaaliya ee sheegtay in uu matalo beesha uu ka soo jeedo ee Somaliland ku sugan.

Maxamed Cumar Carte iyo musharaxiin uu ka mid yahay oo ku xaadiraya magaca beelaha Somaliland iyagoo sheeganaya in ay ku matalaan golayaasha Soomaaliya ayaa musharixiintii la tartamayey kaga guulaystay 47 cod oo uu ka helay ergooyinkii codaynayey oo laga soo ururiyey magaalada Xamar.

Raysal-wasaare-xigeenka Soomaaliya oo ka hadlay guusha uu ka gaadhay doorashada aqalka hoose ee Soomaaiya ayaa u mahad celiyey xubnihii u codeeyey, waxaanu amaanay hawsha ay qabanayaan guddida doorashada ee heer federal iyo ciidamada AMISON ee sugaya amaanka goobaha doorashada.

M Carte

Maxamed C Carte: Ninka ugu sareeya kooxda u shaqotagtay Somaliya

Dhinaca kale Maxamed Cumar Carte ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeedhay raysal wasaaraha somaliya kaas oo soo jeediyey in doorashada uu ku soo baxay raysal wasaare ku xigeenku lagu qabto xarunta ciidanka ee Xalane, waxaanu yidhi “Marka hore ayaad ugu faraxsanahay inaan ka mid noqdo xildhibaanada cusub ee aqalka hoose ee dalka, waxaanan u mahad celinayaa dhamaanba ergooyinkii ii codeeyey, waxa kale oo aan aad ugu faraxsanahay inaanay doorashadu ka dhicin goob ay gacanta ku hayaan ciidamada Amisom balse ay ka dhacday goob ay amnigeeda sugayaan ciidamo soomaaliyeed oo wadanka u dhashay

Maxamed Cumar Carte ayaan Somaliland ka haajiray sanadkii 2012-kii kadib markii urur siyaasadeed uu doonayey in uu ka mid noqdo 3da Xisbi Qaran ee Somaliland uu ku guul daraystay, isla markaana ay soo baxeen warar ay siidaysay WeaksLeaks oo sheegaya  in uu basaas hoose u ahaa dawlada Maraykanka.

Doorshada Maxamed Cumar Carte ayaan waxba ka badali karin qadiyada Somaliland, hase ahaatee waxa uu ka mid ahaanayaa  xubnaha kale ee Somaliland ka soo jeeda ee haddana aan cagaha soo dhigi karin dalkoodii.

 

Cabays Media

Nairo Bureau

 

COMMENTS