CABAYS.COM
Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Jam. Somaliland & Waftiga Culus Ee Ka Socday Waddanka Masar? + Sawirro
May 7, 2019 - Written by Cabays

Cabays Media – (Hargeysa-JSL)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda dalka Masar, Mr. Xamdi Sanad Luza oo booqasho ku yimidCabays Jamhuuriyada Somaliland.

Qoraal ka soo baxayy Madatooyada JSL ayaa lagu sheegay waxyaabaha ay labada dhan ka wada hadleen.

“Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay adkaynta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Masar, taariikhda faca-weyn ee ay wadaagaan labada dal, arrimaha ganacsiga, xoolaha iyo kalluunka, waxbarashada iyo isdhex-galka xidhiidhka labada shacbi.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Masar taageerada ay Jamhuuriyadda Somaliland ka siiso waxbarashada gaar ahaan dhinaca macalimiinta u hagarbaxday sidii ay ardayda Somaliland wax u bari lahaayeen.

Waxaana Kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada horumarinta caafimaadka, xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhinaca weftigana waxa wasiir ku xigeenka ku wehelinaayey, safiirka dalka aynu jaarka nahay u fadhiya Masar, Amb. Maxamed Nasr iyo kaaliyaha wasiirka arrimaha geeska ee dalkaasi Masar, Amb. Mohamed Karim Sharif. Waxaanay weftigu dalka ku sugnaan doonaan maalmo kooban iyagoo booqan doona goobo kala duwan oo muhiima.

Daawo Sawirrada Kulanka:

59874320_2156805584433283_215879002055770112_n 59762554_2156802331100275_3522370552817778688_n 59734666_2156805654433276_2812621275803942912_n 59802361_2156802291100279_2426824923612708864_n 59485732_2156802307766944_2291222820279025664_n

COMMENTS