CABAYS.COM
Maxkamadii Kornayl Tuke Oo Ka Bilaabantay Maraykanka Iyo Qareenkiisa Oo Bixiyay Qiraal Ku Aaddan Dhibka Soo Gaadhay Ninka Dacwaynaya
May 15, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media – (Varginia -USA) – Kornayl Yuusuf Cabdi Cali “Tuke” ayaa waxa uu shalay ka soo hor muuqday Maxkamad kutaala magaalada Aleskandariya ee Gobalka Virginia ee dalka Maraykanka, isagoo wajahaya Eedeymo culus iyo gabood falladii ku aadanaa inuu dambiyo dagaal oo keenay jidh-dil iyo dil garbo siman ah uu geystay mudadii uu Taliyaha ka ahaa Ciidankii ku sugnaa Gobalka Maroodi Jeex ee Somaliland oo wakhtigaasi ahaa Gobolka Woqooyi Galbeed la odhan jiray wakhtigii ay Somaliland ka mid ka ahayd dalka kii Jamhuuiryada Sooomaalida ee  taladiisa haysay xukuumadii Faqashtii ee uu hogaamin jiray Maxamed Siyad Barre sannadihii dabayaaqadii 1980-aadkii.

Haweenay Garsoore rayid ah ayaa waxay furtay dhegeysiga dacwadaha ka dhanka kolonel Yuusuf Tuke, oo uu ku soo oogay nin reer Soomaaliland ah oo sheegay inuu Tuke si arxan daro oo badheedh ah u toogtay, isla markaana uu mayd ahaan uga tegay, isla markaana si layaab leh uga badbaaday markii ay mayd ahaan ciidamadii Faqashtu uga tageen isaga oo xabado badani jidhkiisa ku yaallaan.

Qareen Ben Klein oo u doodayey Dhibane Farxaan Maxamuud Taani Warfaa ayaa sheegay in Dhibanaha iyo dhallinyaro kale  lagu xidhay Degmadda Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland bishii December ee sannadkii 1987-kii, si wax looga weydiiyo Gaadhi Booyad Biyo ah oo laga xaday Ciidanka Faqashta wakhtigaasi oo ay ciidamadu ku doodeen in loola baxsaday dhinacaa iyo ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM, balse aanay wakhtigaasi wax shuqul ah ku lahayn Farxaan Maxamuud iyo intii kale ee la eedaysnayd.

Dhinaca kale, Qareen Joseph Peter Drennan oo u doodayey gacan ku dhiigle Kornayl Yuusuf Cabdi Cali “Tuke” ayaa sheegay inuu Sarkaalku ahaa Askar Khibrad leh oo tababar Milliteriga ku qaatay gudaha dalka Maraykanka.

Qareenku waxa uu Garsoorka Maxkamadda u sheegay inaanu wax dood ah ka qabin  jidh-dilka loo geystay Farxaan Maxamuud Taani Warfaa, balse aanu jidh-dilkaasi kala kulmin gacmaha Sarkaalka Kolonel Tuke sida uu ku dooday.

Qareenka Tuke waxa uu sheegay inuu halkan ka jiro Ajende qarsoon, inkastoo aanu faahfaahin dulucda Ajendaha qarsoodiga ah ee uu sheegay.

Dhinaca kale, Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Tuke” ayaa la filayaa inuu cadaymo ka bixiyo Is-difaaciisa maalmaha ay Dacwaddaasi ka socoto Maxkamada Heerka Degmo ee magaaladda Aleskandariya ee Gobalka Virginia ee dalka Maraykanka.

Saraakiil badan oo gabood fallo ka gaystay Somaliland wakhtigii dawladdii Siyaad Barre ayaa meelo kala duwan lagu maxkamadeeyey waxaana dacwadan si gaar ah ula socda shacab kumannaan ah oo gacan ku dhiigle Tuke waxyeelo u gaystau mudadii uu ka tirsanaa ciidamadii fadhigay degmada Gabiley oo xiligaa ka mid ahay gobol ay Hargeysi xukunto.

Dhanka kale waxa jirax xubno sidan oo kale loo soo eedeyey oo ka mid ahaa ciidamadii axmaqa ahaa ee Faqashta oo qarsoodi kaga baxay dalka Maraykanka markii dacawado lagu furay, halka qaarna lagu xukumay magdhow gaadhaya ilaa 25 malyuun oo dollar. Gacab ku dhiiglayaasha wali noo ee gumaaday shacabiga Reer Somaliland xigigii taliskii Siyaad Bare ayaa daad u soo galay, iyagoo qaar badani galeen nolol qarsoodi ah dalalka Reer Galbeedka ee ay qoxootiga ku tageen oo aan lagaga hadhin.

Tuke ayaa hore looga soo mastaafuriyey dalka Kanada kadib markii dacwad sidan oo kale ah lagu furay, dawlada dalka Canada iyadna ogaatay in markii horeba sif sharci daro ah ku soo galay dalka Canada oo uu ka soo galay dalka Maraykanka, halkaas oo dib loogu mastaafuriyey sanadkii 1993-kii, mudadaana uu qarsoodi ku noolaa, balse dib dacadiisii u soo laba kaclaysay. Haddii dambiga lagu helo waxa suurto gal ah in xabsi dheer lagu xukumo iyo in aanu noloshiisa shaqo ka qaban karin dalka Maraykanka.

La soco dacwadan oo aad Cabays Media isha ku hayo wixii ka soo kordha iyo halka ay ku dambayso.

tuke

Waa Tuke oo isku sawiray qof uu nolosha ku gubayo 1987-kii

Cabays Media

COMMENTS