CABAYS.COM
Mo Faraax oo walaakii laga masaafurinayo UK – Muxuu galabsaday?
August 29, 2016 - Written by Cabays


Cabays

 

Cabays Media:-

 

Sida uu ku waramay wargeyska Daily Mirror ee ka soo baxa London, maalintii Axdii  ee shalay waxa dalka UK laga mastaafurinayaa wiil ay walaal yihiin oradyahanka caanka ah ee u orda dalka Britain ee Maxamed Mukhtar Jaamac Faarax ee lo yaqaan MO Farah.

Wiilkan ay walaaha yihiin Mo Faarax o la yidhaa Axmed ayaa waxa dalka UK la keenay isagoo laba jir ah, waxayna dadiisu tahay haatan 27 jir ah , hase ahaatee sobobta loo mastaafurinayo ayaa wargeyska Daily Mirror ku sheegtay isagoo haatan dhamaystay xabsi afar sano iyo badh kadib markii lagu helay dambi ah in uu guri u dhacay isagoo ku hubaysan midi.

Ninkan dhalinyarada ah ee ay walaalah yihiin Mo Faarax ayaa ku jiray nolol Ciyaalo-suuqnimo oo ku hoday in uu gal dambiyo ay ka mid yihiin dhac iyo iibka mukhadaraadka iwm. Mar uu la haday wargeyska Daily Mirror oo wax ka qoray arimihii uu uga waramay noloshiisa ayuu ku sheegay in uu galay nolo dawakhsan.

“Kuma noqon karno aniga iyo Mo meeshii aanu ku dhalanay oo waa meel halis ah, waxan ka baqayaa in aan dhimasho wajaho, halkaa waxaan dareemayaa raho li’i” ayuu yidhi Axmed Faarax oo ka waramaya sida uu dareen san yahay ku celinta dalkii uu ku dhashay.

Axmed Faarax iyo Mo Faarax ayaa caruurtooda oo ah lix caruur ah ayaa kuwada dhashay magaalada Muqdisho, waxaana yaraan lagu keenay UK.

“Nolshayda ayaan u baqyaa, waxan dareemayaa in aanan halkaa ku badbaaday, wax waliba wey ka duwan yihiin (UK) halkaasi, mana malaysan karo xataa sida ay wax ii noqonayaan halka, qofkaan ahay iyo taariikhdayda ma qarin karo, dadku wey iska kay soo cidoonaan, oo weyba isoo weerari” Sidaa waxa ku cataabay Mo Faarax walaalkii oo uu ka waramay wargeyska Daily Mirror.

Axmed Faarax ayaa wali dacwad lagu doonayo in lagu mastaafuriyo ay wasaarada arimahad gudaha ee dalka Britain ay ku ogaysaa, taas oo dhageysigeeda dib loo dhigay ilaa mudo aan la cayimin, balse la filayo in ay dib u furanto. Waregyska ka waramay arinkan Mo Faarax walaalkii oo sheegay in ay la xidhiidheen wasaarada arimaha gudaha in ay wax ka tidhaa dacwada Axmed Faarax, ayaa sheegay in aanay ka hadal dacwadaha shaqsi gaar ah.

Hase ahaatee waxa ay sheegtay in dhaman dambiilayaasha lahayn dhalasho dalkan UK marka ay dhamaystaan xukunka la masaafurinayo, taas oo tilmaamaya in Mo Faarax walaalkii aan loo joojin karin.

Dhanka kale, warbixinta arintan ku saabsan ayaa sheegaysa in aanu jirin wax xidhiidh ah oo Mo Faarax la lee yahay walaakiisa ka yar ee galay dambiyada ee isagoo laba jir ah dalka la keenay, isagoo maanta 27 jir ah dibada loo tuurayo, hase ahaatee walaalkiisa kale oo la yidhaa Mahad ayaa sheegay in haddii la mastaafuriyo walaalkood Axmed ay saamayn ku yeelanayso noloshiisa, aadna u tabidoono.

Mo Faarax ayaa la sheegay in aanu xidhiidh sidaa u dhow la lahayn walaaladii inta joogta UK, iyagoo ku soo kala koray guryo kala duwan.

Mo Faarax waxa uu la dhashay Wahib Faarax, Axmed Faarax, Xasan Faarax, Ifraax Faarax Mahad Faarax, Nimco Faarax, Cumar Faarax.

 

La soc Cabays Media waxa ka soo kordha warkan Mo Faarax walaalkii.

Mo1

Family man Mo with his wife Tania and children Rhianna, Amani and Aisha

Mo Faarax iyo qoyskiisa u gaarka ah

COMMENTS