CABAYS.COM
Mudaharaad Xoogan oo ka socda magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco 
May 14, 2018 - Written by Cabays

CabaysHargeysa ( Cabays Media ) Inta  la ogyahay 1 qof ayaa ku dhintay tirada intaasi ka badan way ku dhaawacmeen mudaharaado gilgilay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, kuwaasi oo salka ku haya  xiisada coladeed ee ka taagan degaanka Ceelafweyn ee gobolka Sanaag .

Shabakada wararka ee Cabays oo khadka talefanka kula xidhiidhay qaar ka mid ah dadka ku sugan magaalada Ceerigaabo ayaa noo xaqiijiyey in hal qof ku geeriyooday kedib markii ay ku dhacday xabadi.  Wali lama oga tirada rasmiga ah ee ku dhaawacantay mudaharaadka oo ahaa mid rabshado watay magaalada Ceerigaabo.

Dhanka kale waxa iyaduna mudahaarado kaa Ceerigaabo ka dhacay mid la mid ahi ka socdaaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer sida ay noo xaqiijiyeen warfadiyeenada ka hawla gala magaalada Burco. Lama hubo in ay cidi wax ku noqotay iyo in kale.

Deegaanka Ceelafweyn ee gobolka Sanaag ayaa noqday mid xudun u ah colaad ay iskaga isla horfadhiyaan laba beelood oo rag hubaysan soo ururiyey, kuwaas oo isku haya dhul deegaanka ah. Xukumadda Somaliland ayaa ilaa hadda la saluugsan yahay sida ay u maaraysay furdaaminta iyo soo afjarka colaada jiitantay ee Ceelafweyn.

 

Wixii warar ah ee ka soo kordha xaaladahan taagan kala soco shabakada wararka ee Cabays Media

 

Cabays Media Staff

Hargeysa, Jam. Somaliland

 

COMMENTS