CABAYS.COM
Muj. Xasan Ciise Jaamac oo markii ugu horaysay sheegay shaqsiyaadkii keenay fikirka in Somaliland dib ula noqoto madaxbanaanideedii
December 20, 2018 - Written by Cabays

Cabays Media (Hargeysa- JSL) Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo ka mid ahaa madaxdii Ururkii xoreeyey Somaliland ee SNM, noqdayna madaxweyne-ku-xigeenkii ugu horeeyey ee xornimad la soo noqodkii ka dib, ayaa daaha ka rogay in ay jireen shaqsiyaad lahaa fikirka in dadka Reer Somalland ay dib ula soo noqdaan madaxbanaanidii ay qaateen sanadkii 26-kii Juun sanadkii 1969kii.

Xasan Ciise oo si aan rasmi ahayn ama aan qorshaysnayn ula hadlayey muwaadin Reer Somaliland isagoo ku sugan caasimada JSL ee Hargeysa, ayaa carabaabay shaqsiyaadkii fikirka lahaa in dib loogu dhawaaqo madaxbanaanidii luntay ee Somaliland.

Mujaahid Xasan Ciise ayaa sidoo kale sheegay in ay jireen xubno madaxdii SNM oo aan fikirkaa qaadan.

Muj. Xasan Ciise ayaa ah madaxdii ugu da’da yarayd xiligii halgankii SNM, kana mid ahaa raga ugu daacadsan xaga siyaasada marka loo eego hogaankii siyaasada ee SNM.

Halkan ka daawo Muj. Xasan Ciise oo ka hadlaya arinkaas

 

 

Xasan Ciise

COMMENTS