CABAYS.COM
Maxamuud Xaashi: “Muuse Biixi Xisbiga KULMIYE, Hanti Uu Leeyahay Buu U Qaatay”
September 8, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) –   Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo goor-dhaweyd warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa eedo u jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Shirkaa waxaan u arkaa mid u afduuban Madaxweyne Muuse Biixi oo aan xor ahayn Muuse Biixi xisbiga KULMIYE, hanti uu leeyahay buu u qaatay.” Ayuu yidhi  Siyaasi Maxamuud Xaashi.

Maxamuud Xaashi waxa kale oo uu sheegay in aanu ka qayb-galayn, shirweynaha afaraad ee xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi”Anigu kama qayb galayo shirka Kulmiye kamana mid noqonayo kuwa ka mixiisaya ee ka mushxaraddaya madasha shirka Kulmiyena, waxaa uu u afduuban yahay Muuse Biixi. Madaxweyne Biixi, waxa uu si qaawan ula dagaallamay dawladdii dhistay ee saaxiibkii Axmed Siilaanyo”

Hadalkan ka uu jeediyey Maxamuud Xaashi ayaa ahaa mid la filayey, isagoo baryahanba loo tuhuhnsanaa in uu safka hore kaga jiray raga ay seefta Kulmiye la tageyso, sidii ay hore ula tagtay rag badan oo hore damacooda siyaasadeed shaaciyey xiligiyadii uu Kulmiye galay loolanada siyaasadeed ee dhexdiisa, sida musharaxnimadii madaxweynaha ee ugu dambaysay oo rag doonayey in ay la tartamaan Muuse Biixi oo xiligaa Maxamuud Xaashi iyo madaxtooyadii uu madaxweynaha ka ahaa Axmed Siilaanyo ay wadatay.

Dhanka kale warar Cabays Media helay ayaa sheegaya in ay ahayd in xalay kulan dhexmaro Gudoomiyaha koobaad ee Kulmiye, Maxamed Kaahin Axmed iyo Maxamuud Xaashi, kaas oo lagu waday in ay ka wada hadlaan sidii ay iskula meel dhigi lahaayeen in Maxamuud Xaashi qaato talo odayada deegaankiisu isla qaateen oo ah in doorkan maadaxama madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la filayo in uu mar kale isa soo sharaxo, aan loogu tagin gudoomiyenimada xisbiga Kulmiye, hase ahaatee kulankaa dhexmari lahaa Kaahin iyo Ina Xaashi ayaa dhici waayey xalay, kadib markii Maxamuud Xaashi kaga baxay, isagoo doonaya in uu shaaciyo damaciisa.

FB_IMG_1599551824166Maxamuud Xaashi iyo xubno kale oo wasiiro ka mid ahaa xukumadii Axmed Siilaanyo ayaa la filayey markii horeba in aanay ka soo xaadirin shirweynaha Kulmiye, sobobo la xidhiidha heeka liita ee xidhiidhka hogaanka Kulmiye iyo qaar ka mid ah wasiiradii xukumadii Axmed Siilaanyo.

 

 

Cabays Media

COMMENTS