CABAYS.COM
Natiijada horudhaca ah: Xisbigee guusha raad haya:
November 14, 2017 - Written by Cabays

Cabays

Cabays Media:  Waxa soo baxaya horudhaca natiijada doorashada oo codadkii la lagu tiriyey isla goobihii lagu codeeyey laga helayo oo sheegaya in xisbi waliba helay tiro aanu filayn. Tirada soo baxaysa ayaa sheegaysa in meelaha qaar ay labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani marka sanaaduuq la tiriyo uu midi mid ka kale ka tiro badanayo, mararka qaarna ay isku tiro helayaan goob ka mid ah gobolada Togfheer iyo Awdal.

Inskastoo magaalooyinka Boorame iyo Burco ay codadku yihiin meelaha ay isku dhawaanayaan marka kolba sanduuq la tiriyo hase ahaatee wararka Cabays Media ka soo gaadhaya gobolada ayaa sheegaya in degmooyin cayiman uu mar walba xisbiga Waddani kaga horeeyo Xisbiga Kulmiye, halka tirada guud ee gobolada Awada iyo Togdheer marka mid walba la isku daro uu xisbiga Kulmiye ka tiro badan yahay, kagana horeeyo tirada guud.

Ciidamada JSL oo codkooda dhiibamaya

Ciidamada JSL oo codkooda dhiibamaya

Sida xubin ka mid ah xisbiga Waddani oo uga masuul ah gobolka Saaxiil, siiba Berbera uu xalay u xaqiijiyey Cabays Media, tiridaii ugu yarayd ee uu gobol ka helo cod xisbiga muwaaridka ah ee Waddani, ayaa goobolka Saaxil noqday, halka xisbiga UCID uu na wax cod ah ka helin gobolkaas. Hase haatee warkani ma aha mid si rasmi ah loo xaqiijin karo.

Gobolka Awdal ayaa degmooyinkiisa Saylac iyo Lughaya ayaa la sheegay in mid sagaal kun ka codeeyeen, isla markaana xisbiga Kulmiye ka helay in ka badan todoba kun midkiiba, iyagoo wax ka yar laba kun ama ku dhow uu xisbiga Waddani ka helay halkaa.

Sida goobjoogayaasha xisbiyada Kulmiye iyo Waddani u sheegeen wariye ka tirsan Cabays Media, Gobolka Maroodijeex, waxa uu noqnayaa gobolka uu codkii ugu badnaa kaga badiyo xisbiga Kulmiye kan Waddani. Codadka ilaa hadda la tiriyey ee gobolka Maroodi jeex ayaa la sheegay in ay ka badan tahay 2 bolol oo kun, waxana la sheegay in tirada codadka xumaaday ay ku badan yihiin gobolka Maroodijeex, hase haatee uu xsbiga Kulmiye kaga guulaystay ka Waddani in ka badan 100 kun oo cod, isla markaan uu helay codad gaadhaya 169, 000 Kulmiye, halka Waddani ka helay 50 kun oo cod.

Codeeye

Dadweyaha oo safaf ugu jira codaynta

Tirinta codadka ayaa socota ilaa hadda , ilaa xalayna waxa laga soo gurayaye magaalaada goobihii lagu codeeyey lana keenayey sanaaduuqda xarunta dhex ee Gudida Goorashooyinka.

Saadaasha guud ayaa dad kala duwan oo goobjoogayaal ahi noo sheegeen in tirada xisbiga Kulmiye codayntii helay au aad uga badan tahay ta Waddani. Hase ahaatee Gudida Doorashooyinka Somaliland ayaa la filayaa in ay iaygu ku dhawaaqaan codadka kama dambaysta ah xili ka horeeya kii wakhtigii la filayey, maadaama tirintu ay ku socoto xawaare oo codada hore loo helayo.

Xarumaha Xisbiyada:

Xarunta Xisbiga Waddani oo wariye ka tirsan Cabays Media oo ay ku weheliyaan xubno kale ayaa booqasho ku gaadhay xalay, ayaa kala kulmay jawi aad u shanqadh yar, mana jirin sansaan in xisbiga Waddani guul ka filanayo Gobolka Maroodijeex iyo tirada guud ee codadka.  Musharax Cirro iyo madaxda sare ee xisbiga Waddani ayaa ilaa xalay ku sugnaa xarunta Gudida Doorashooyinka, halkaas oo ay sidoo kale ku weheliyeen xisbiyada kale madaxdoodu. Dadkii Cabays Media kula kulmay xarunta dhexe ee Waddani oo ku taal bariga Hargeisa ayaa qaarkood sheegeen in tirada codadka ee soo gaadhaya ee gobolaa kala duwani ay rajo gallisay oo ay guulaysanayaan. Arinkan ayaa ah mid dadka xarunta joogay la siinayey warar xambaarasan guul, balse marka aad tiro cayiman oo ay deegaan ka heleen la weydiiyo ma sheegayn. Xalay xarunta Waddani ee dhex waxay ahayd mid u muuqatay mid aad u shanqadh daysay.

Cod-dhiibta codaynaya

Cod-dhiibta codaynaya

Xarunta Dhexe ee Kulmiye ayaa dad badani ku xoonsanaayeen, waxaan ka socday gurxan muujinaya in ay doorashadan guuleysteen. Xubno u waramay wariye ka tirsan Cabays Media ayaa ay u sheegeen in wararka ay ka helayaan degmooyinka kala duwan uu si aad xisbiga Kulmiye doorashadan ugu guuleystay. Waxa ad arkaysay masuuliniin badan oo xisbiga Kulmiye ah oo gooni gooni ugu hadlaya telefoono oo raadinaya wararka codadka xisbigoodi helay.

“Imika waxan la hadlay Laascaanood, waxa Kulmiye hellay 15 kun oo cod, Waddani isna 7 kun oo cod….” Sidaa waxa yidhi masuul xisbga Kulmiye ka mid ah oo wariye ka tirsan Cabays Media  u sheegay sida ay u soo baxayso  guusha codadka xisbiga Kulmiye hellay. Hase ahaatee waxa sidoo kale ay xubno Kulmiye ah sheegeen iin Gobolka Awdal ay kaga guulaysanayaan Waddani, hase ahaatee gudaaha magaalada Boorame aanay ka guulaysan karin.

Isku soo duuboo wali waxa socota tirinta codadka gobolaa iyo degmooyinka oo aan wali soo wada dhamaan.

 

Axmed Nuuryare

Cabays Media

Hargeysa- Somaliland

COMMENTS