CABAYS.COM
Nin lagu ganaaxay $120 milyan kadib markii uu wacay taleefoono badan
May 13, 2018 - Written by Cabays

Nin u dhashay dalka Maraykanka ayaa lagu ganaaxay lacag dhan $120 milyan oo doolar kadib markii sida la sheegay uu direy 90 milyan oo taleefoono si aan haboonayn isaga oo isticmaalaya aaladaha garaadka aan rasmiga ahayn leh ee loo yaqaano Robots.

Wicitaanadan ayaa waxa ay quseeyeen suuq geyn, isaga oo dadka la wacayay la’isku dayay in laga iibiyo guryo.

Balse Wakaaladda Isgaarsiinta Maraykanka ee FCC ayaa sheegtay in falka uu sameeyay ninkan ay yihiin kuwa xad gudub ku ah xeerarka dalkaas, sidaas darteed la ganaaxay lacagtan tirada badan.

Waa markii ugu horeysay oo qof lagu soo rogo ganaax intaas dhan.

Ninka la ganaaxay oo lagu magacaabo Andian Abromovich ayaa sheegay in uusan isagu lahayn wax ujeeddo xun ah.

Halka uu qaladka ka jiray ayaa ahayd in dadka la wacay ayaa looga dhigay in laga wacayo nambar gobolkooda ah, islamarkaasna ogolaansho aanan laga heysanin, taas oo xad gudub ku ah xeerka isgaarsiinta Maraykanka.

Cod horey loosii duubay ayaa dadka loogu sheegay waxyaabo ay rumeysan karaan.

Afhayeen u hadlay wakaaladda FCC ayaa sheegay in ganaaxa tirada badan ay uga gol leeyihiin in ay ku waabiyaan dadka kale ee laga yaabo in ay isku dayaan falkan oo kale.

COMMENTS