CABAYS.COM
Qaramada Midoobey Oo Ka Hadashey Saldhigga Millatari Ee Uu Imaaraadku Ka Dhisanayso Magaalada Berbera
April 25, 2018 - Written by Cabays

Hargeys(Cabays Media) Qaramada Midoobey ayaa waxaa mar kale la weydiiyey Mowqifka qaramada Midoobey ee Saldhiga ay Dawlada UAE ka dhisaneyso Berbera iyo weliba khilaafka dhinaca maamulida hawda ee Somaliland iyo Somaliya .

Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Mr Stephane Dujarric oo 23.04.2018shir saxaafadeed u qabtey saxaafadaisaga oo ka mid ahaa waftigii uu xoghayaha guud hogaaminaayey oo safar ku tagay dalka Sweden ayaa waxaa uu si kooban oo aan cadeyn uu uga jawaabey Mowqifka qaramada Midoobey ee saldhiga ay dawlada Imaaraadku ka dhisaneyso magaalada Berbera oo ay saxaafadu weydiisay.

Afhayeenka xoghayaha guud oo la weydiiyey su,aal nuxurkeedu ahaa khilaafka ka dhex taagan Imaaraadka iyo Somaliya , iyada oo ay Moqdisho ku dagaalameen ciidamo Imaaraadku toobabarey iyo ciidamo kale isla markaana UAE ay ka baxdey Somaliya iyo saldhiga ay ka dhisaneyso Berbera oo Somaliland ah , hadana uu jiro khilaaf ka dhex taagan Somaliland iyo Somaliya oo dhinaca hawda ah.

Waxaa la weydiiyey doorka Qaramada Midoobey ee arimahaas waxaana uu afhayeenku uu kaga jawaabey “Waxaa aan filayaa in dedaalka Qaramada Midoobey uu ahaa in maamulada Soomalida laga caawiyo sidii ay siyaabo badan ay dib ugu heli lahayeen awoodoodii maamul ee dalka.. halkaas ayaanay aheyd halka caawimadayadu xoogga sarraysay ”

Afhayeenka ayaa lagu celiyey Su,aashan waxaana la weydiiyey su,aal nuxurkeedu ahaa miyay qaramada Midoobey ka soo hor jeeda saldhiga UAE ka dhisaneso Berbera waxaana uu yidhi “Taasi waa wax aan is leeyahay waan ku dhegenaan doonaa jawaabtan ..”

Qaramada Midoobey ayaa hore dacwadii ay Somaliyaka gudbisay saldhiga UAE ka dhisaneyso Berbera , waxaa ay ugu tilmaantey arin laba wadan ka dhaxeysa waxaana marka la eego jawaabtan afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey lagala soo dhex bixi karaa in Qaramada Midoobey ay iska uruurineyso in ay soo dhex gasho muranka Imaaraadka iyo Somaliya.
Source:- Geeska

COMMENTS