CABAYS.COM
QM: 68.5 milyan oo qof ayaa barakac noqday guud ahaan dunida
June 19, 2018 - Written by Cabays

Dad gaaraya 68.5 milyan oo qof ayaa guud ahaan caalamka uga barakacay guryahooda dagaallo iyo qalalaase, waxaana kamid ah dadka dalalka Myanmar iyo Suuriya, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Warbixinta Qaramada Midoobay oo ay maanta shaaca ka qaadday ayaa waxaa lagu sheegay in tirada dadka barakacayaasha ah ay muujinayso inay sare u kacday ilaa 42.7 milyan qof, marka la barbardhigo toban sano ka hor, ilaa dabayaaqadii sannadkii tagey tirada dadka qaxootiga waxay ku dhawaad 3 milyan ka badan tahay sannadkii ka horreeyay.

Waxaa la sheegay in guud ahaan dadka dunida ku barakacay ay tiradooda dhan tahay oo kale tirada dadka ku nool dalka Thailand.

Qaramada Midoobay waxay sidoo kale sheegtay in 110kii qof ee meel ku wada nool caalamka midkood uu yahay qof gurigiisa laga barakiciyay.

Madaxa Ha’ayadda arrimaha qaxootiga ee UNHCR Filippo Grandi wuxuu sheegay inay wadaan dadaallo caalami ah, oo wax ku ool ah, oo lagu caawinayo barkacayaasha, sii loo taakuleeyo dalalka iyo bulshooyinka qaybta ka ah u gargaaridda qaxootiga.

Filippo Grandi wuxuu weriyeyaasha Geneva ugu sheegay in boqolkiiba 70 tirada dadka caalamka ku barakacay ay ka soo jeedaan 10 waddan.

Labadii ilbiriqsi

Warbixinta Qaramada Midoobay waxay sidoo kale muujinaysa in dad hor leh oo gaaraya 16.2 milyan ay sannadkii lasoo dhaafay barkaceen, kuwaasoo ay kamid yihiin dad markii ugu horreysay qaxooti noqday.

Tiradan waxay u dhigantaa in maalin kasta 44,500 qof guryahooda laga barakicanayo, halka labadii ilbiriqsi gudahood hal qof uu barakace noqonayo, sida ay sheegtay UNCHR.

Dabayaaqadii sannadkii 2017-kii, 40 milyan oo qof ayaa ku barakacay dalalkooda, waana tiradii barkacaayaasha ee ugu badanaa, kuwaasoo kasoo kala jeeda dalalka kala ah Colombia, Suuriya iyo Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo

Waxaa sidoo kale jira barakacayaal kale oo gaaraya 25.4 milyan oo ay intooda badan yihiin carruur kuwaaso sannadkii lasoo dhaafay isu diiwaan geliyay qaxootinimo, waxayna tiradani ka badan tahay tiradii sannadkii 2016-dii saddex milyan oo ah tirada ugu badan ee hadda la hayo.

Dagaalka toddobo sanno jirsaday ee dalka Suuriya ayaa sannadkii lasoo dhaafay oo kaliya ah 6.3 milyan qof ku khasbay inay guryahooda ka qaxaan, waxayna u dhigantaa hal meel saddexdii meel tirada qaxootiga caalamka.

Dad gaarayo 6.2 milyana ayaa isla gudaha dalka Suuriya ku barakacay.

Sannadkii 2017-kii, dalka Afgahnistaan wuxuu noqday dalka ugu badan ee ay qaxooti ku nool yihiin, halkaasoo la sheegay in boqolkiiba 5 bulshada dalkaasi ay barakaceen.

Tirada dadka ka barakacay Koonfurta Suudan ayaa sare u kacday ilaa 2.4 milyan oo qof.

Madaxa UNHCR Grandi wuxuu sheegay in Koonfurta Suudaan ay ka jirto xaalad banii’adnimo oo halis ah oo dowladda iyo mucaaradka aysan dan ka lahayn nolosha adag ee ay ku jiraan shacabka dalkaasi.

Dalalka saboolka ah

Tirada qaxootiga ka soo jeeda Myanmar ayaa labo laabantay. Ilaa 1.2 milyan oo qof ayaa ka barakacay jir dil iyo howlgallo milateri, kumannaan muslimiinta Rohingya ayaa u qaxay dalalka deriska sida Bangladesh.

Warbixiinta Qaramada Midoobay waxay sidoo kale muujinaysaa in tiro badan ay ka barakaceen dalalka Ciraaq, Soomaaliya, Suudaan iyo dalal kale.

Falastiin waxaa ka qaxay dad gaaraya ilaa 5.4 milyan oo qof.

Grandi wuxuu sidoo kale sheegay in inkastoo ay jiraan muhaajiriin gaaraya Yurub iyo Mareykanka, haddana 85% qaxootiga ay ku nool yihiin nolol hoose iyo mid dhexeba sida kuwa joogo dalalka Lubnaan, Pakistan iyo Uganda.

Dalka Turkiga ayaa martigeliyay qaxootigii ugu badnaa, waxaana laga diiwaan geliyay dabayaaqadii 2017-dii qaxooti gaaraya 3.5 milyan oo u badan Suuriyaan.

COMMENTS