CABAYS.COM
Qurbejooga Somaliland Ee UK oo qaar ka mid ahi urur noociis hore loo arag ku dhawaaqay
April 28, 2015 - Written by Cabays

London- UK (Cabays Media) Urur cusub oo aan noociisa hore qurbaha uga samayn bulshada Somaliland ayaa lagaga dhawaaqay magaalada London. Ururkan ayaa ah mid noociis sidoo kale lo baahnaa. Haddaba warsaxaafadeed ay soo saareen qurbejoog ku bohoobay samaynta ururka ayaa waxa uu u qornaa sidan

Tirsi:                XTQ 1/2015

Taariikhda:      25th April 2015

 

Ujeedo: War-murtiyeed

Lafo-gur iyo falanqayn muddoba noo soo socotey ka dib, annaga oo ka kooban muwaadiniin ka mid ah qurba-joogta Somaliland ee UK, waxa aannu maanta ku dhawaaqaynaa yagleelka Xarunta Cilmibaadhista iyo Tayaynta Qaranka Somaliland  (Xil-Tayayn Qaran) oo ah xarun cilmibaadhiseed oo madaxbannaan, dhexdhexaadna ah oo fadhigeedu yahay London, UK.

Himilada Xil-Tayayn Qarani waa in la taabbo geliyo qaran uu qof waliba mas’uuliyadda saaran u qoolan yahay oo isaga wixii xumaada loo raacayo, lana hirgeliyo isirrada isla xisaabtanka, daahfurnaanta iyo tisqaadka maamul wanaagga dawladnimo, taas oo aannu u  aqoonsan nahay  in ay kor u qaadayso tayada nololeed ee muwaadinka Somaaliland iyo ta qarankaba.

Si taas loo gaadho, waxa ay xaruntu higsanaysaa in ay xog iyo talo lagu dhaliyey maskax-tuujin ku biiriso qaybaha qaranka ee kala duwan, iyada oo soo bandhigaysa daraasado madaxbannaan oo ku fadhiya cilmibaadhis, lafo-gur, dood-cilmiyeedyo, galaangal iyo abaabul aragtiyeed.

Si looga midho dhaliyo ujeeddooyinka xaruntan la yagleelayo, waxa ay abuuraysaa rug loo dhan yahay oo hirgelin karta dhaqan aqooneed oo waxtar ummadeed yeesha. Ujeeddooyinkeeduna waa talobixin, wacyigelin iyo dhiirrigelin in bulshadu ka wada qayb qaadato dhismaha iyo tayaynta qaranka, iyada oo laga dhinbiil qaadanayo dhitada waaya-aragnimadii iyo garashadii laga soo dhaxlay waayihii ummadda iyo taariikhdeeda tagtadii shalayto iyo joogtadeeda maanta qiimayn ahaan.

Jidadka wax qabadkeeda ay xaruntu u maraysaa waa diyaarinta iyo hirgelinta cilmibaadhis, dood-cilmiyeedyo, aragti is waydaarsi, qoraallo faafin, daabacaad, warbixinno, dhisidda awoodda wax qabsiga iwm, iyada oo diiradda saaraysa isirrada ay ka mid yihiin:

Maamulka dawladda laamaheeda, ganacsiga iyo u sinnaanta fursadaha, xirfadda iyo aqoonta bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha, nabadgelyada iyo garsoorka, sharciga iyo kala dambaynta,  maaraynta khayraadka dalka, warbaahinta, taabba gelinta waddaniyadda, midnimada, wada noolaanshaha,  caddaaladda iyo ku tiirsanaanta qaranka, waxyaalaha hortaagan hirgelinta iyo ku dhaqanka habka maamul wanaagga iyo habsami u socodka hawlaha dawladnimo, musuqa iyo qabyaaladda, habka doorashooyinka iyo xeesha qorshe ee aqoonsi u raadinta qaranka Somaliland.

 

Alle ayaa mahad leh

Xarunta Cilmibaadhista iyo Tayaynta Qaranka Somaliland (Xil-Tayayn Qaran)

Afhayeenka Xarunta Xil-tayayn Qaran

Mohamed Baashe Hassan

 

Xarunta Cilmibaadhista iyo Tayaynta Qaranka Somaliland (Xil-Tayayn Qaran)

Somaliland Centre for Research and State Effectiveness (SCRSE)

 

Aasaasayaasha Xarunta Xil-Tayayn Qaran

 

  1. Eng. Abdillahi Hassan Amay …..Guddoomiye
  2. Hassan Muse Khalif ………..Guddoomiye Ku Xigeen
  3. Mohamed Baashe Hassan ………..Afhayeen
  4. Mohamoud Omer Sh. Ibrahim ….Xoghaye
  5. Ahmedweli Sh. Omer Goth……….Khasnaji
  6. Dr. Yasin Abdi Mohamed ………….Xubin
  7. Dr. Mohamed Xaaji Abdi Obsiye..Xubin
  8. Ibrahim Dualeh Sulaiman ………….Xubin
  9. Mohamed Ali Mohamoud………….Xubin
  10. Abdirahman Aidid Abdi ( Kosar)….Xubin
  11. Xil Abdirahman Mohamed Qalib…Xubin
  12. Mohamed Haroun Bihi……………….Xubin
  13. Mustafa Ismail Ahmed ……………….Xubin
  14. Sulaiman Farah Abdillahi…………….Xubin
  15. Dr. Abdifatah Ismail Adan……………Xubin
  16. Marwo Kaltun Ibrahim Mogeh…….Xubin

 

 

Cabays Media Staff

London- UK

COMMENTS