CABAYS.COM
 Koox dhalinyaro ah oo mar kale rabshado ka sameeyeye magaalada Laascaanood
June 14, 2018 - Written by Cabays

Laascanood(Cabays Media) Rabshadahan ayaa ka billaabmay khilaaf dhex maray qaar ka mid ah ciidanka milateriga iyo nin qaadle ah, kaas oo markii danbe Gaadhey gacan ka hadal ay sameeyeen kooxo dhalinayro ah oo aad moodid in al soo abaabulay.

“Waxaan arkay askariga iyo wiilka qaadka iibinayey oo gacanta iskula tegey, waxaana kala qabqabanayey dhawr gabdhood, waxaa ay indhahaygu qabteen nin kale oo askari ah oo ninkii dhinac kale kaga bilaabay, walow aan ka durugsanaa waan soo kacay, waxaase ku soo kediyey wiil ku dhowaa oo isna ninkii la dagaalamay, wax-yar kadib waxaa soo dhowaadey gaadhigii ay la socdeen oo ciidan saaran yahay, dhagax ayaa afarta gees lagaga bilaabay iyaguna rasaas xoogle ayay fureen” sidaa waxa yidhi Cali Xiis oo ka mid ahaa dhalintii halkaas ka dhoweyd.

Goobaha caafimaadka waxaa la geeyey sadex dumar ah oo dhaawacoodu daran yahay welise lala tacaalayo, waxaase dhici karta in khasaaruhu intaas ka badnaado, waayo weli ma jirto cid awood u helaysa inay suuqyada soo wada marto in xogta laga raadiyo isbitaalada maahaane.

Inta badan wadooyinka dhagxaan iyo qashin gubanaya baa yaala dad kacsana waa wareegayaan, ciidamo xooglihina hadba meel ayay rasaas ka ridayaan si ay dadka u kala dareeriyaan.

Maamulka Gobolka iyo degmo midkoodna weli kama hadal waxa ka dhacay magaalada Laascaanood oo maanta u muuqata mid dib ugu laabatay sanadihii 2007,2008 iyo 2009kii oo rabshadaha noocan ah ay si fudud ku kici jireen.

 

Dhanka kale Maamulka Puntland ayaa lacago badan ku bixinaya sidii dadka magaalada Laascaanood ay rabshado uga dhici lahaayeen, waxaana la sheegay in ay jiraan dad toos ugu xidhan madaxda Puntand ee ka soo jeeda Sool oo abaabulaya dadka.
Shacbiga Reer Laascaanood ayaa aad u dareen san in magaaadooda duulaan lagu yahay, isla markaana isla dad degan magaaladu ay rabaan in rabshaduhu sii socdaan.
Xukumada Somaliland ayaa si taxadir leh ula tacaalaysa dadka rabshadaha wada iyo khilaafka muuqda in lala doonayo magaalada oo ay wada dagaan beelo kala abtirsada oo isla Dhulbahante ah.
Sanadkii 2007 ayaa xukumada Somaliland saani ula wareegtay maamulka iyadoo aan intii hore isku hawlin in ay taageerto dadka Reer Laascaanood ee doonayey in ay ka mid noqdaan hanaanka dawladeed ee Somaliland.
COMMENTS