CABAYS.COM
Rag Loo Soo Qabqabtay Qaraxyadii Lala Beegsaday Dhuusamareeb
July 15, 2019 - Written by Cabays

Dhuusamareeb (Cabays Media)–  Ciidamada ammaanka Maamul Goboleedka dalka Soomaaliya ee Galmudug oo saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyey Dhuusamareeb ayaa gacanta ku soo dhigay rag loo heytso qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha magaaladaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwo xoogan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugida ee maamulkaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa Galmudug ayaa sheegay in laba nin loo soo qabtay weeraradii shalay gilgilay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud dalka Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay tuhmayaan in raggani ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, balse ay haatan ku socdaan baadhitaano dheeraad ah.

 Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxyada ka dhacay halkaasi, waxaana ay sheegeen inay khasaare ku gaadhsiiyeen xubno ka tirsan Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Xaaladda Dhuusamareeb ayaa saaka oo Isniin ah degan, waxaana ku sugan Ra’iisul wasaaraha Dalka Soomaaliya oo weli kulamo iyo dadaallo nabadeed ka wada halkaasi.

Dhawaan ayaa la filayaa in magaalada ay marti geliso shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada dowlad goboleedka Galmudug.

COMMENTS