CABAYS.COM
Reer Koonfurow Maxaa Somaliland Idiinka Meel Yaal,” Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya
July 3, 2018 - Written by Cabays

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si daacadnimo leh uga hadlay gefka Somaliland kala kulantay xorriyaddii 26 June 1960 iyo midnimadii Soomaaliya waxaanu bulshada Koonfurta ku boorriyay in ay Somaliland ku wajahaan wax macquul ah oo ku saabsan tabashadooda.

Isaga oo ka hadlayay xafladda xorriyadda Soomaaliya oo Nairobi lagu qabtay waxa uu yidhi “Caawa habeenkii xorriyadda oo kaliya maaha ee waana habeenkii midnimada. Walaalaheena Waqooyiga waxay xorriyadda qaateen 26 June, way soo duuleen, calankooday faraqa ku soo xidheen, waxay keeneen magaalada Muqdisho. Markii la yidhi ‘waar maxaad dalbanaysaan’ waxay yidhaahdeen ‘anagu dad Soomaali ah oo idinla mid ah baanu nahay waxaanu dalbanayno oo aan midnimo iyo dawladnimo ahayni ma jiraan’ arrintaas marka in aynu xusi wayno waa dhaawac,” Sidaas ayuu yidhi isaga oo la hadlayay dadka xafladda ka hadlay oo culayska saaray 1-da July ee maalinta xorriyadda Soomaaliya.

Isaga oo hadalkiisa wii wada waxa uu yidhi “Walaalkaa waxbuu kaa taban karaa, khaladna wuu dhacay oo nina ma inkiri karo. Reer Koonfuroow maxaa idiinka talo ah arrinkaas aniga waxa ay ila tahay in aan la garnaqsano ninkii shalay intuu xornimo qaatay kuu yimi ee calanka kuu keenay haddana ku yidhi dhibaato ayaan tabanayaa ninkaasi gar ayuu taagan yahay marka Alle laga baqo la fadhiiso oo wax la xali, haddii aan u aragno sida aynu inagu u aragno lama heshiinayo, maxaa yeelay dadku caqli ayay leeyihiin”

Waxa uu intaasi raaciyay “Waxay ila tahay walaalaheen shalayna xorriyaddii ayay keeneen maantana tabasho ayay qabaan marka in ay inaga go’naato in aynu tabashadooda ka hadalno aniga waxay ila tahay waa muhiim shacab iyo dawlad ba.”

Waxa uu ka digay in arrimaha masiiriga ah ee ka dhexeeya Somalilad iyo Somalia ay saamayn ku yeeshaan isku dhacyada ka jira Tukaraq oo uu sheegay in uu ka xun yahay.

Daawo Khudbaddiisa oo uu qaybaha dambe kaga hadlay Somaliland

COMMENTS