CABAYS.COM
Sababaha Dib U Dhigay Wada-hadalkii Dhinacyada Isku Haya Siyaasada Somaliya
September 12, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) Shirkii  loogu yeedhay wadatashiga ahaa ee u dhaxeeyay Madaxda maamul gobaleedyada iyo kuwa Dowladda Farmaajo oo la filayay in maanta oo sabti ah uu ka furmo Magaalada Muqdisho, ayaan qabsoomin.

Shirkan oo maalmihii u dambeeyay wajahayey caqabado ismarin waa ah oo u dhaxeeyay Madaxda maamulada iyo Xukuumadda Farmaajo, ayaa dib dhaca ku yimid, waxaaanna sababay Madaxda Maamulada Galmudug iyo Jubaland.

Madaxweynaha Galmudug ayaa shalay galab safar deg deg ah ugu kicitimay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya halka Madaxweynaha Jubbaland isna shalay galab Kismaayo u aaday si uu uga qeyb galo aas loo sameenayo Guddoomiyihii rugta Ganacsiga ee Maamulka Jubbaland oo shalay qarax lagu dilay.

 

Dawladda uu hoggaamiyo Maxamed Farmaajo iyo Maamullada Punt land iyo Jubbaland, ayaa waxa u dhexeeya Khilaaf salka ku haya qabsoomida doorashada Soomaaliya oo Farmaajo qorshaynayo in muddo kordhin loo sameeyo, iyo isagoo lagu xidhay shuruudo ah inuu soo magacaabo Raysal-wasaare goob-joog ka noqda qobada laga wadda-hadlayo.

 

 

Cabays news.com

COMMENTS