CABAYS.COM
Sababtuu Jilaaga Weyn Ee Salmaan Khan U Guursan La’yahay!!
April 22, 2019 - Written by Cabays

Jilaaga weyn ee reer Hindiya Salman Khan oo ka mid ah jilayaasha filimadooda loogu jecel yahay shirkadda Bollywood waxa uu ka mid yahay ragga caanka ah ee la sheego in aanay waligood guursan. Salman Khan oo ay da’diisu tahay 53 sano, loogana bartay aflaanta Hindiga ee jaceylka iyo dagaalka ku saleysan ayaa su’aasha ugu badan ee la weydiiyay noolashiisa waxaa la sheegay inay ahayd sababta uu u guursan waayay, waxaana marar badan su’aashaas weydiiyay warbaahinta dalka Hindiya oo in muddo ah doonayay inay ogaadaan waxa jilaagan ku kalifay in doobnimo ku qaato noloshiisa oo aanu ugu dhiiranin in uu guursado. Salman Khan oo dhowr jeer la weydiiyay sababta uu u guursan la’yahay ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay, isagoona horay u sheegay in sababta uu u guursan la’yahay ay tahay dhaqaalaha guurka ku baxa oo ka badan intii ay ku guursan jireen dadkii hore.

Hase ahaatee, jawaabtaas ayey dad badan ay u arkeen in Salman uu isaga jeedinayo indaha shacabka iyo taageerayaashiisa, maadaama jilaaga uu kamid yahay jillayaasha ugu hantida badan dalkaas, ayna jirin sabab ku kalifi karta in dhaqaale la’aan uu u guursan waayo.

Bale warbaahinta dalka Hindiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay hadal hayay xog hoose oo ay ka heleen qoyska Salman khan. qaar kamid ah warbaahinta dalka Hindiya oo soo xiganaya qof kamid ah qoyska Salman waxay kusoo warrameen in Khan uusan dooneyn in uu qoyskiisa ka fogaado. “Salman waxaa aad loogu yaqaanaa qadarinta uu u hayo qoyskiisa, dhowr jeer oo hore oo uu isku dayay in uu guursado waxa ay la noqon weyday in fursad la noolaasho uu siiyo qofkale oo aan ahayn qoyskiisa, taasi na ay tahay sababta uu u guursan la’yahay”, sidaas waxaa qaar kamid ah warbaahinbta Hindiya u sheegay qof kamid ah qoyska Salman Khan.

Sanadihii dambe waxa soo baxay warar aan la xaqiijin oo sheeegaya in Salman khan uu doonayo in uu guursado gabdho ay kamid yihiin Katrina Kaif iyo Iulia Vantur, balse wararkaas ayaa noqday kuwa xan ah oo kaliya oo aysan waxba ka suurtagelin, waxaana qoyska Salman Khan la sheegay in mar walba ay ku booriyaan in uu guursado, balse isaga uu go’aankaas qaatay.

Salman Khan oo dad badan ay u arkaan in uu sii duqoobayo marka la eego da’diisa ayaanan wax reer ah yeelanin waligii, arrintan oo dad badan ay la fajaceen maadaama qaar kamid ah caruurta jilayaashii ay isku wakhtiga ahaayen Salman ay durba kusoo biireen jilista aflaanta.

Salman Khan oo uu dhalay jilaaga caanka ah ee Salim Khan ayaa shirkadda Bollywood-ka kusoo biiray horaantii sagaashameeyadi, waxaana tan iyo xiligaas uu soo jilay inkabadan boqol Filim oo uu dhaqaale badan ka sameeyay.

Hantida uu heysto Salmaan Khaan waxaa la xaqiijiyay in ay dhan tahay ku dhawaad 300 oo milyan oo doolar.

Qaar ka mid ah hay’adaha falanqeeya arrimaha filimada ayaa Salmaan Khan ku tilmaamay inuu yahay jilaagii ugu wanaagsanaa ee abid soo maray dunida, inkastoo kuwo kale ay dood ka keeneen arrintaas, ayna barbar dhigeen jilaaga kale ee lagu magacaabo Shakrukh Khan.

COMMENTS