CABAYS.COM
Sacuudiga oo duqeyn ku dilay hogaamiyihii Siyaasada Xuuthiyiinta
April 24, 2018 - Written by Cabays

Kooxda Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta ayaa shalay xaqiijiyey in duqeyn lagu dilay hogaamiyihii Golaha Siyaasada ee kooxdaasi Saleh al-Sammad.

Duqeyntan ayaa la sheegay inay geysteen diyaaradaha Sacuudiga Khamiistii lasoo dhaafay, waxaana jira dhowr qof oo kale oo ku dhimatay weerarkan ka dhacay gobalka Hudaida.

Hogaamiyaha sare ee Xuuthiyiinta Abdul Malik al-Houthi, ayaa shalay gelinkii danbe warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in falkan ay ka danbeeyeen dowladaha Sacuudiga iyo Maraykanka.

Xuuthiyiinta ayaa sheegay in ay doorteen hogaamiyahooda cusub ee dhanka siyaasada oo la sheegay in loo magacaabay Mahdi al-Mashat.

Waa sarkaalkii ugu sareeyey oo ay xulafada Sacuudiga ku dilaan duqeyntooda dhanka cirka oo ay ka wadeen dalkaasi Yemen tan iyo bishii Maarso ee sanadkii 2015.

In ka badan 10.000 qof oo rayid ah ayaa ku dhintey dagaalka ka socda dalka Yemen, waxaana lagu eedeeyaa Xulafada Sacuudiga in duqeyntooda inta badan ay ku dilaan dad rayid ah iyagoo bartilmaameed ka dhigta goobaha shacabka sida Isbitaalada, goobo dadka isugu yimaadaan sida aroosyada iyo tacsida.

Axadii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in duqeynta Sacuudiga lala beegsaday goob uu ka dhacayey aroos, halkaasi oo ay ku dhinteen 20 qof oo shacab ah. Duqeyntaasi ayaa ka dhacday deegaanka Hajjah ee waqooyi galbeed dalka Yemen.

 

Cabays Media – Hargeysa Office

COMMENTS