CABAYS.COM
Safiirka u qaabilsan Soomaliland iyo Somalia oo jaaliyada Somaliland London kula kulmay – Su’aalona lagu boobay
April 17, 2018 - Written by Cabays

Cabays

Cabays Media: (London-UK) – Safiirka dawlada Britain u qaabilsan dalalka Jamhuuriyada Somaliland iyo dalka Soomaliya, Ambaasadoor David Concar iyo Uqabysanaha Xafiiska Siyaasada ee dawlada Britain ku leedahay caasimada Jam. Somaliland, Rossie Tapper  iyo xubno ka tirsan xafiiska Arimaha Dibada ee UK ayaa kulan kula yeeshay Xafiiska Wakiilka Jam. Somaliland ee London xubno ka mid ah Jaaliyada Somaliland ee dalka UK.

 

Wakiilka Somaliland, Ayaan Maxamuud Ashur oo dadkii  kulan ka soo qaybgalay iyo Ambaasadoor Davide Concar iyo xubnihii la socday ugu horayntii ku soo dhaweysay kulanka. Waxayna sheegtay in wasiirka qaabilsan Somaliland iyo Somalia uu isagu dalbaday in uu jaaliyada Somaliland ee UK  uu kula kulmo xafiiska Somaliland ee London. Ayaan Cashur waxa kale oo ay sheegtay in kulankani yahay kii koobaad ee noocsiisa ah, waxaana ujeedadiisu tahay in ay la dheysto safiir David Concar, dadka Reer Somaliland ee ka soo qaybgalayna ay su’aalo weydiiyaan.

Kulankan ayaa waxa isla markiiba bilaabay hadal uu kaga hadlayo siyaasada dawlada Britain ee Somaliland, doorashadii Somaliland ka dhacday iyo gargaarka dalwada Britain siiso Jam. Somaliland. Ambassadoor Concar ayaa aad u amaanay doorashadii ka dhacday Somaliland sanadkii hore, waxaanu tilmaamay in ay ahayd mid tusaale u ah dawladaha gobolka Geerska Afrika.

Amb. Concar ayaa ku dheeraaday sida ay Somaliland dadkeedu uga shaqeeyaan dhismaha dalkooda iyo isku tuursanaantooda. Sidoo kale hawneenayda madaxda ka ah xafiiska dawlada Britain uga wakiilka arimaha siyaasada ee Hargeya, Rossie Tapper ayaa iyaduna si kooban uga warantay mudadii 7da bilood ahayd ee ay ka shaqaynaysa xafiiskaa Hargeysa oo hoos yimaada Ambaasadoor David Concar.

Qadar ka dib ayaa waxa la bilaanbay weydiinta su’aalo kala duwan Amb. Concar , kuwaas oo ay weydiiyeen qaar ka mid ah qurbejoogii Somaliland ee kulanka ka soo qaybgalay.

Amb. Concar ayaa su;aalhii la weydiiyey ay badi ahaayeen kuwo ku saabsan xidhiidhka Britain iyo Somaliland, sobobta ay Britain si rasmi ah ugu aqoonsan laadahay Jam. Somaliland. Sidoo kale waxa la weydiiyey saamaynta ay wadalad Britain ku leedahay wada hadalada Somaliland iyo Somalia, iyo in uu Ambaasadoor Concar uu isku qadariyo in uu yahay safiir sidoo kale dawlada Britain u qaabilsan Somaliland iyo in kale.

Amb. Cocar

Amb. David Conca

 

Amb. Concar ayaa qaab diblomaasiyadeed badi uga jawaabay su’aalihii la weydiiyey, hase ahaatee qaar ayaad moodaysay in uu ku raftay, halka qaar koodna uu si cad u sheegay sida ay ula muuqato. Su’aalaha uu ku raftay waxa ka mid ah sobobta ay dawlada Britain u aqoonsan weyday Somaliland, taas oo u kaga jawaabay, halka mar su’aal xubin Xisbiga Waddani ah oo su’aal ku saabansan natiijadii doorashadii 2017kii ku sheegay in dawlada Britain ay garowsan tahay in ay ahayd mid dadka Somaliland kala qaybisay oo lagu shubatay, ayaa waxa uu Amb. Concar ugu jawaabat xubintaasi hadal uu tusaale ugu soo qaatay dalka Waqooyiga Kuuriya oo uu sheegay in uu yahay dalka kali ah ee ay ka dhacdo doorasho cidi ku murmin, taas oo uu ku sharaxay in dalalka kale ee aduunka ee doorasho ka dhacdo u muran iyo kala qaybsanaani timaad, hase ahaatee waxa uu raaciyey in ay tahay hawl Somaliland u taal sidii taa ay uga gudbi la’haayeen.

Amb. Concar oo sidoo kale la wedyiiyey in uu qalbi-jab ka qaaday shaqadiisa, maadaama marka hore uu yahay Safiirka UK ee dalka Somalia, marka uu booqdo Somaliland taasi wax iska badasho oo uu tago dal aan ahayn Somalia, oo Jamhuuriyada Somaliland ah.

Ambaasaadoor Concar ayaa si kaftan ah kaga jawaabay su’aashaas oo sheegay in uu dareemo mararka qaar sidaa. Sidoo kale wax la weydiiyeye in xoolaha nool ee ay Somaliland Sucuudiga u dhoofiso oo hadda xidhan in ay si hoose dawlada Sucuudiga ula hadleen iy oin kale si ay xayiraada uga qaado. Amb, Concar ayaa kaga jawaabay in ay dawlada Sucuudiga kala hadleen xoolaha uga imanayey Somaliland, uuna filayo in dhawaan Sucuudigu xayiyaarada ka qaado, taas oo uu sheegay in ay tahay arin aad u muhiim ugu ah dhaqaalaha iyo nolosha dadka Somaliland.

WhatsApp Image 2018-04-16 at 22.40.03

Qaar kka mid ah jaaliyada Amb. Concar la kulmay

WhatsApp Image 2018-04-16 at 22.40.04

 

Kulankan ayaa ahaa mid ku dhacay jawi aad u degan oo u muuqday dood iyo wax is weydaarsi ku qotomay arimo muhiim u ah Somaliland iyo shacbigeeda.

Dadka kulanka ka soo qaybgalay ayaa iskugu jiray aqoonyahano kala duwan oo ka kala yimid magaalooyinka UK, kuwaas oo ahaa kuwo kala xambaarsan aragtiyo siyaasadeed iy bulsho oo kala duwan, balse ay midayso qadiyada Somaliland.

La soco Cabays Media oo halkan idiinku soo gubindoona muuqaalka kulankan sii uu dhacay iyo wareysiyo la xidhiidha aragtiyaha ay kaqaateen dadkii ka soo qaybgalay.

Cabays Media

London-UK

COMMENTS