CABAYS.COM
Senegal Oo U Soo Baxday Finalka Koobka Qaramada Afrika Ka Dib Markii Ay Dirqi Uga Soo Talaabsatay Tunisia
July 15, 2019 - Written by Cabays

Xulka Senegal ayaa u soo gudbay markii ugu horeysay tan iyo 2002 finalka Koobka Qaramada Afrika ka dib markii ay guul dirqi ah oo 1-0 ah kaga soo talaabsadeen xulka Tunisia oo ay waqtiga dheeriga isla aadeen.

Labada xul ayaa 90kii daqiiqo ee ciyaarta loogu talogalay isla dhaafi waayay barbaro goolal la’aan ah iyadoo labada xulba ay rigoore iska qasaariyeen qeybtii labaad ee ciyaarta.

Senegal Oo U Soo Baxday Finalka Koobka Qaramada Afrika Ka Dib Markii Ay Dirqi Uga Soo Talaabsatay Tunisia

Tunisia ayaa heshay rigooradii ugu horeysay daqiiqadii 75aad laakiin waxaa ka qasaariyay Ferjani Sassi, iyadoo Senegal markeeda loo dhigay rigoore daqiiqadii 81aad laakiin iyagana waxaa fursad dahabi ka qasaariyay Henri Saive.

90kii daqiiqo ee ciyaarta waxa ay ku soo idlaatay barbaro goolal la’aan ah taasoo keentay ciyaartii ka socotay magaalada Qaahira in lagu darro 30 daqiiqo.

15kii daqiiqo ee ugu horeysay markii ay ciyaarta socotay 101 daqiiqo ayay xulka Senegal heleen goolka guusha oo ahaa mid ay iska dhalisay xulka Tunisia.

Tunisia oo sidoo kale gool iska dhalisay kulankii Ghana ee wareega 16ka ayaa hadana mar kale shabaqa iska soo taabatay kulankii maanta ee semi-finalka.

Goolahaye Hassen ayaa ka soo baxay goolkiisa isagoo isku dayay inuu xaliyo karoos laad xor ahaa oo laga soo qaaday garabka midig. Laakiin kubada waa uu qaban waayay waxaana ay ku dhacday daafaca Bronn iyadoo shabaqa ay gashay.

Goolkaas ayaana lagu kala baxay iyadoo ciyaarta ay ku dhamaatay 1-0 oo ay Senegal ku badisay.

Xulka Senegal oo u dagaalamaya inay markii ugu horeysay abid qaadaan Koobka Qaramada Afrika ayaa waxa ay finalka ku sugayaan xulkii caawa soo badiya Nigeria iyo Algeria.

Markii ugu danbeysay ee ay Senegal soo gaarto finalka waxay aheyd sannadii 2002 markaasoo rigoore ay uga qaaday xulka Cameroon.

COMMENTS