CABAYS.COM
Shacabka Somaliland Oo Walaac Xooggan Ka Qaba Hab-Dhaqannada Gurracan Ee Ciidamada Booliska Somaliland
April 23, 2019 - Written by Cabays

CabaysHargeysa (Cabays Media)– Tan iyo intii Somaliland Xornimada lasoo noqotay ee dib u dhiska lagu samaynayay dalka, ciidamada kala duwan ee qaranku waxa ay ahaayeen kuwo shacabka tix-gelin ballaadhan ka haysta marka la eego doorka ay ku lahaayeen dib u dhiska iyo nabadaynta qaranka iyo dhinaca kale duruufaha adag ee ay muddodaasi soddonka sano ku dhaw ku soo shaqaynayeen.

Ciidamada Booliska Somaliland oo ka mid ah ciidamada qaranka ee kala duwani waxa ay hore ugu suntanaayeen dadaal iyo naf-huris ay qarankooda ugu shaqaynayeen tan iyo maalintii dhidibada loo taagay sannadkii 1993-kii wakhtigaasi oo ay soo mareen duruufo kala duwan oo waayahooda lahaa bulshaduna in badan ka war qabtay doorka iyo kaalinta ay qaranka ugu jiraan balse muddooyinkii ugu dambeeyey marka aad eegto hab-dhaqannada layaabka leh ee ay marar badan ku kacaan ciidamada ammaanku waxa soo baxaya hoos u dhac weyn oo ku yimid shacbiyaddii ay umadda ku dhex lahaayeen iyada oo intaasi Bulsahdu ku baaqayso in la gaadhay wakhtigii ciidamada booliska dib u habayn ballaadhan lagu samayn lahaa (Reform).

Hannaanka ay uga jawaabaan rabshadaha wakhtiyada qaarkood dhaca ee ay rabshadaha uga hor tagaan waxa ay hore u keentay marar badan in ay rasaas nool dad badan ku laayeen. Sidoo kale waxa muddo badan isa soo tarayay cabashada culus ee ay qabaan dadka danta yar ee suuqyada ku ganacsadaa dhibaatada ay kala kulmaan ciidamada ammaanka sida rarista dadkaasi ku ganacsada jidadka hareerahooda oo marar badan la arko qaabka arxan darrada ah ee Boolisku u jiidjiidaan dadka una galalafaan hantida bacad-yaalka ah.

Saxaafadda ayaa iyana muddo dheer cabasho ka soo yeedhaysay hannaanka dhibka badan ee boolisku ula dhaqmaan marka ay hawlgallo ka dhan ah saxaafadda fulinayaan iyada oo la wada xasuusto qaabkii uu dhawaan askari ka tirsan ciidamada boolisku u waxyeeleeyey gabadh wariye ah iyo sawir qaadaheedii oo ka tirsanaa Telefishanka HCTV iyo waliba hawlgalkii ugu dambeeyey oo shalay ciidamada Boolisku ku waxyeeleeyeen mid ka mid ah wariyayaasha Telefishanka kaasi oo la sheegay in askari ka tirsan ciidamada nabad galyada waddooyinku soo gaadhsiiyey dhaawac jabniin ah.

Dhinaca kale falkii loogu hadal haynta badnaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey si gaar ahna u qabsaday waxa baraha Bulshadu waxa uu ahaa muuqaalka sawir ah oo muujinaya qaabka argagaxa leh ee laba ka tirsan ciidamada Boolisku ula dhaqmayaan haweenay ummul ah oo ka mid ahaa dadkii khasabka lagaga rarayay dhulka laga loo qorsheeyey madaxtooyada cusub ee xaafada Guul Allah, ee galbeedka Hargeysa.

Sawirkan oo markii aanu darisnay u muuqda mid dib la iskugu kabkabay sawiro aan is lahayn, sida gacan baastoolad oo laga dhigay in askarigu ku qabtay gabadh, balse u muuqday in lagu sameeyey Photoshop, ayaa waxa si kastoo uu yahayba waxa uu dhaawac u gesytay magaca iyo karaamada Ciidamada Booliiska JSL oo uu ka bixinayo sawir aad u foolxun. Inskastoo booliiska dadku kala kiilmaan ficilo kuwaa ka daran, sida garaacis, qori AK47  oo qofka lagu qabto ama dabadiisa lagu garaaco.

Badiba dadka aaraada iyo afkaaraha kala duwan ka bixinayay muuqaalka sawirkaas falkaasi labada askari kula kaceen haweenayda la sheegay in ay leedahay uur leh oo marar badana jiidjiidayaan waxa ka muuqanaysa sida shacabku khaati uga taagan yahay soo laab laabashada falalka gurracan ee ciidamada ammaanku ku dhaqmayaan muddooyinkan ugu dambeeyey iyada oo sannadkii hore dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF ay soo saartay warbixin dheer ay ay kaga hadlayaan duruufaha ka jira xabsiyada dalka ee ay gacanta ku hayaan Boolisku iyaga oo ku tala bixiyay in ciidamada booliska Somaliland u baahan yihiin dib u habayn.

SP

Waxa iyana xusid mudan in dhawaan Golayaasha sharci dejinta ee dalku ansixiyeen wax ka baddal lagu sameeyey xeerka Booliska Somaliland oo ay shacabku filayeen in uu xeerkaasi noqon doono mid dammaanad qaada in ay kaga badbaadaan dhibaatada ka soo gaadha Booliska balse xeerkaasi dib loos oo celiyey wax ka baddalna lagu sameeyey.

 

57579904_1011706885685574_1877717443627974656_n

Waa sarika u muuqda samayska ee argagaxa xambaarsan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ururrada u doodda xuquuqal insaanka iyo qaar ka mid ah qareennada Somaliland ayaa dhawaan mar ay arrinka xeerkan ka hadlayeen waxa ay sheegeen in ay walaac weyn ka qabaan in xeerkaasi laga saaray qodobo badan oo muhiim ah oo Booliska xakamayn lahaa.

COMMENTS