CABAYS.COM
Shandado Aan Kaa Lumayn Oo Ku Daba Soconaaya Meel Kasta Oo Aad Gegida Diyaaaradah Ka Joogtid
April 10, 2019 - Written by Cabays

Beirut (Cabays Media)- Koox arday ah oo reer Lubnaan ah ayaa waxay  sameeyeen hab casri ah oo marka ay kaa lunto shandadaada ama boorsada qofku sito aad  ku heli karaysid shandadaadu halkay taallo ama  marayso, waana qalab casri ah oo  safarkaaga ka dhigaya mid aanad ka werwerin shandadahaaga maadaama inta badan dadka safarka ahi aad uga werweraan halka ay ku dambaynayso boorsadoodi in badana waaya boorsooyinkooda oo ka luma wakhtiga safarka. Waa shandadii aad sidatay oo meel kasta oo aad ka joogto Eeriboodhka kaa raacaysa taas oo lagaga nastay lumitaankii shandada ama dhibta ku haysay rakaabka diyaarada in ay  qaadan ama ay ka lumaan.

Arday magaciisa la yidhaa Raali Shahalab oo ka mid ah kooxda ikhtraacaday  habkan ayaa sheegay in fikardani ay ku dhalatay shan arday oo arkay dhibta haysta rakaabka diyaardaha gaar ahaan mar aan joognay buu yidhi magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta isaga oo sheegay in uu arkay culayska saaran dadka Madaarrada Jooga.

Ardaygan arinkan xiisaha leh ka hadlayay waxa uu yidhi: “Tani waa ta keentay in aanu sameyno noocan shandada ah. Shandadahani waxay ku shaqaynayaan shucaac qofka kabihiis ku xidhan oo u daba gelaya kolba xaga uu u kaco.

Waxaana xaddidaya halkaad joogto aaladda loo yaqaano GPRS kaasoo ku xidhan kabaha qofka rakaabka ah iyo habka nidaamka caalamiga ah ee Gsm kaas oo macaluumadka aad kala socon karto mobilkaaga halka ay shandaaddu taallo iyo halka ay marayso adiga oo ka diraaya awaamirta shandadaada dhexdeeda  oo aad farriin gaaban ugu diraysid oo aad odhanysid isoo raac ama farriin kale oo aad leedahay I yar sug” arrinkan xiisaha leh ayaa noqday mid dunida si weyn looga soo dhaweeyey. Waxay noqotay shandadani mid dhawaaq iyo sawaxan ku soo kordhisay markii ay ku guulasteen ardaydan shanta ahi jaa’isadda la siiyo dadka wax ikhtiraaca ama hal abuur cusub keena.

 

COMMENTS