CABAYS.COM
Shirkadda Samsung Oo Ka Cabanaysa Hoos U Dhac Ka Haysata Dhinaca Wax-Soo Saarka Barnaamijiyada
April 10, 2019 - Written by Cabays

Seoul (Cabays Media)-  Shirkadda Caanka ah ee Samsung ayaa si weyn uga cabanysa waayo Aragnimo la’aan soo foodsaartay barnaamijadii ay ku shaqaynaysay iyo hoos udhac kaga yimi xagga suuqa ee tartanka kula jirtay shirkadaha sameeya Moobilada casriga ah,  taas oo uu culays ba,ani ka haysto shirkadaha Chine ee tartanka adag kula jira suuqa caalamiga ah.

Warbixintii ugu dambaysay ee ay ka qorto wakaaladda wararka ee Reuters ayaa farta ku fiiqday in ay haysato shirkadan weyn ee Samsung waayo argnimo la’aan xagga barnaamijyada ah taas oo loo baahan yahay hawlo badan oo dheeraad ah si loo kobciyo shirkadda siduu u sheegay qof shaqaale sare ka haan jiray shirkadda oo warbaahinta la hadlay.

Ninkan ayaa yidhi: “Waxa haysta masuuliyiinta shirkadda fahan la’aan xagga barnaamijada ay kaga fiicnaan lahayd shirkadaha kula tartamaya suuqa”. Masuulkan ka tagay ee u warmayay wakaalada ayaa diiday in la sheego magaciisa ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxda shirkadda in aanay weli diyaar u ahayn in ay wax ka qabtaan barnaamijiyda ay ku shaqayso shirkaddu waxaanu sheegay in suuqa ay kula jiraan shirkado uu xusay in ay jiraan shirkado ku dadaala in ay hormariyaan barnaamijyada adeegga sida shirkadda Google iyo Microsoft, Shirkadahaasi waxay si xeeldheer oo casrisan ugu adeegaan in ay la jaan qaadaan casriga.

Waxa uu sheegay Prof. Jaamcada Kuuriya ka dhiga machadka tiknoolajiyda iyo Saynisku in ay dareesantahay shirkaddu dhibta jirta tallaabo degdeg ahana qaadi doonto si ay ugu soo noqto jidkii saxda ahaa ay hore u haysay. Illaa iyo imika waa shirkadda ugu balaadhan ee xagga Moobilada casriga ah ee sida aadka ah u hastay suuqyada caalamka.

 

COMMENTS