CABAYS.COM
Shirkii Dowladda Federaalka Iyo Dowlad-Gobolleedyada Soomaaliya Oo Maanta Ka Furmay Caasimadda Puntland Ee Garoowe
May 5, 2019 - Written by Cabays

Garoowe (Cabays Media)- Shir wadatashi ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa goor dhow ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Waxaa guddoominaya shirka , madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ,iyadoo ay ka qeybgalayaan Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka,madaxweynayaasha dowlad-gobolleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfurgalbeed, Jubbaland iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkan oo ay martigelisey Puntland ayaa gundhiggiisu yahay wada-tashiga dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada xubnaha ka ah, waxaana warar horudhac ah oo laga helay ay sheegayaan in looga hadlayo shirka qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda, Amniga, qeybsiga kheyraadka, doorashada 2020/2021, iyo nooca ay noqon doonto.

Ilaa hadda ma cadda muddada uu shirka soconayo,balse wuxuu ku soo aaddaya xilli isfahan-waa xooggan uu ka dhaxeeyo dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

Shirkan ayaa dhawaan waxaa ku baaqay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, xilli uu ka soo laabtay booqasho uu ku tagay waddamada Kenya iyo Imaaraadka Carabta.

Deni ayaa xilligaasi sheegay in khilaafka dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada uu halis ku yahay mustaqbalka dalka.

Siciid Deni ayaa sheegay in intii uu safarrada shaqo ku jiray uu magaalada Nairobi kula kulmay madexweyneyaasha maamul goboleedyda Jubbaland iyo Galmudug, kuwaasi oo ay ka wadahadleen waxa uu ku sheegay wadashaqayn la’aanta muuqata ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada.

Madaxda uu maanta shirka uga furmay Garowe ayaa siyaasad ahaan waxa ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, waxaana khilaafkii hore ee u dhaxeeyay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada uga sii daray go’aanka golaha wasiirrada ee dowladda federaalka uu ku meelmariyay hindise-sharciyeedka doorashooyinka, arrintaa oo inta badan ay ka biyo diideen kooxaha mucaaradka ku ah dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

 

COMMENTS